guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre ee ciidammada

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre ee ciidammada

Post by THE_TRUTH1 »

Akhirso: Khibradda aqoonneed ee guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre ee ciidammada
Published on September 23, 2014 by Feysal Muse · No Comments · 935 views
Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, G/sarre liibaan Cali Yarow, ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa guddoomiyaha maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidammada Qalabka Sida, haddaba waa sidee heerka Khibrad iyo aqoon ee guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Ciidammada Qalabka Sida.

Guddoomiye Liibaan Cali Yarow, ayaa ka tirsan saraakiisha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu soo maray heerar kala duwan sida, isaga oo ka soo baxay Jaamacadda (Universal Of Africa, Kalliyadda Sharciga iy Qaanuunka). Waddanka Suudaan. :D

Sidoo kale waxa uu soo qaatay tababarro kala duwan sida isaga oo ka soo baxay machad Al-Mushaa 2009-2010-kii, ee dalka Suudaan, halkaas oo uu ku soo qaatay tababar Garsoore.

1.Sannadkii 2003-2009, waxa uu soo noqdey macallin Iskuul. :clap:

2.Garsoore Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida sannadkii 2010-2011-kii.

3.Guddoomiyaha Maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ayuu soo qabtay hadana waa guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidammada.

Waa nin Shahaada Master Degree ka soo diyaariyey Jaamacadda (Naayif Al-Carabiya Lilculuum Al-Amniya, Sacuudiga Riyaadh, 2003. :up:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”