




Magaalooyinka Bosaaso iyo Minneapolis oo la mataaneeyay – Sawiro




Golaha degaanka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dalka Mareykanka ayaa meelmariyey si aqlabiyad leh in la la isu mataaneeyo magaalooyinka Bosaaso iyo Minneapolis.
Fadhi shalay gelinkii dambe oo khamiis ay yeesheen xubnaha golaha degaanka u qaabilsan arrimaha xiriirada caalamiga ayaa isku raacay in labada magaalo wixii hadda ka dambeeya ay yeeshaan xiriir dhinacyo kala duwan oo u badnaan doonta arrimo ganacsi.
Xubnaha ugu sareeya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degaanada Puntland oo waday ololahan ayaa u gudbiyey golaha degaanka qorshahan oo ay in mudo ah soo wadeen.
Soomaali badan ayaa soo buux dhaafiyey hoolka ay ka socotay u codeynta qorshahan, waxaana markii lagu dhawaaqay natiijada ayaa hoolka ka dhacay dabaal deg kooban oo ay dadweynihii joogeen kusoo dhoweynayaan meelmarinta qorshaha.
Magaalada Bosaaso ayaa noqonaysa magaaladii 12-aad oo la mataanowda magaalada Minneapolis, iyadoo dad badan ay sheegeen in faa’iidooyin kala duwan soo kordhin doonto.
Ganacsatada ku dhaqan magaalada Minneapolis ayaa amaanay horumarka ay Bosaaso sameynaysay sanadihii lasoo dhaafay, iyagoo si gaar ah u amaanay hormuurka ay ka gaartay dhinaca isgaarsiinta oo ay ku yaalan shirkaddo badan.
Waxay noqonaysa magaaladii u horeysay oo ku taalla Soomaaliya oo la mataanowda magaalo ku yaalla dalka Mareykanka.
Horseed Media