Published on October 16, 2014 by Shiino · No Comments
Wafti Isugujira Odayaal dhaqameed siyasiyiin iyo waxgarad kasocda degmada cabudwaaq ee gobolka ga-gaduud ayaa maanta soo gaaray magaalada cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb iyadoo soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay magaalada cadaado waftigaas.
Kadib soo dhaweynta waftiga ayey kulan ku yeesheen aqalka madaxtooyada masuuliyiinta waftiga hogaamineysa iyo masuuliyiin Katirsan dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb kaa oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Ximan iyo Xeeb.
Halkaan Ka dhageyso
Ujeedka socdaalka waftigaan ayey masuuliyiinta hogaamineysa ku sheegeen is dhexgalka bulshada, nabada deegaanka iyo sidoo kale ka qeyb qaadashada gogosha nabadeed ee taala magaalada cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb.
Kulanka oo masuuliyiin badan ay ka hadashay ayaa ugu dambeyn waxaa soo xiray wasiirka arrimaha bulshada dowlad goboleedka ximan iyo xeeb Cumar Maxamed Diiriye Cumar Guureeye isago soo dhaweyn diiran u muujiyay waftiga ka socday cabudwaaq ee cadaado soo gaaray.
Xiliyadii dambey magaalada cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb waxa asi isdaba joog ah usoo gaarayay wufuud ka imaaneysa qeyba kamid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolada Mudug iyo Gal-gaduud kuwaa oo tilmaamaya in ay ka qeyb qaadanayaan arrimaha Maamul Usameynta Mudug iyo Gal-gaduud.