OCTOBER 20, 2014
wasiirka ingiriiskaHargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Ms. Lynna Featherstone iyo wefti ay hoggaaminaysay ayaa socdaal xaqiiqo raadis lagu sheegay ku timid caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Weftigan waxa kale oo xubno ka ah danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Neil Wigan, Rachel Turner, oo ah madaxa barriga iyo badhtamaha Afrika u qaabilsan Hay’adda DFID Phil Evans, Head of DFID iyo xubno kale, waxaanay isla maantaba kulan la yeesheen ku simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Qorshaynta, Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta deegaanka.
Ms. Lynna Featherstone waxaa kale oo ay Xustay inuu si Guul ah ku soo dhamaaday Shirkii Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland ee Ingiriisku soo qaban qaabiyay ee Ka dhacay 14 kii Bishan Magaalada London.
Ms. Lynna Featherstone waxay intaasi ku dartay in dawladeedu ay shacbiga Somaliland ku taageerayaan dhaqaale suurto-gal ka dhiga in doorashooyinka soo socdaa ay hirgalaan.
Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo weftigan culus, waxaanu tafaasiil ka bixiyay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Somaliland Iyo Ingiriiska.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu hoosta ka xariiqay inay xukuumaddooda ay ka go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan xiligii loo qoondeeyay oo ah badhtamaha kal-dambe.
Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu weftiga uga waramay horusocodkii xukuumadda Siilaanyo ka samaysay kor u qaadista dakhliga dawladda oo uu xusay in markii ay xukunka la wareegeen in miisaaniyadda dalku ahayd 47 Million oo dollar isagoo intaas ku daray in Odoroska Miisaaniyada qaranka ee Sannadka Soo Socda ee 2015 uu gaadhay 180 Million oo dollar.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu ku dooday in Xukuumadoodu iyadoo dhiirigelinaysa doorka haweenka ee Ka qayb qaadashada Siyaasada ay u Gubiyeen Golaha Baarlamanka Xeer u sahlaya haweenka inay kaalin muuqata ka qaadaan saaxadda siyaasadda dalka.
wasiirka ingiriiska
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa cadeeyay in Somaliland aanay ka qayb galaynin Shirka ay Dawlada Denmark qaban-qaabadiisa wado, waxaanu tilmaamy in ay shirkaasi u gudbinayaan warbixin ay kaga hadlayaan baahiyahooda iyo waxyaabaha u mudan ee ay doonayaan in laga caawiyo, balse aanay marnaba Somaliland shirkaasi ka qayb gelaynin.
Wasiir Sacad ayaa sheegay in shirkaasi Somaliland lagu marti qaaday balse sababta ay u diideen ay tahay in ay Somaliland tahay dawladda xor ah isla markaana la siman dawladda Muqdisho haddii ay ka qaybgalaana ay muujinayso in Somaliland ay qayb ka tahay federaalka Soomaaliya.
Waxaanu intaas raaciyay in qaban qaabada iyo Marti qaadka shirkaasi sida uu u socdo ay iska leedahay dawlada Muqdisho iyo Hay’ada Un-ka.
Dr Sacad Cali Shire Waxaa kale oo uu Sharaxay in Shirkii New Deal oo sanadkii hore ka dhacay magaaladda Brussels ee dalka Belgium in Soomaaliya lacag badan loogu ururiyay iyada oo ay Somailand-na lacagtaasi kaalmadda ah ee lagu yaboohay qayb ku lahayd, hase yeeshee wasiirka qorshayntu waxa uu sheegay in aanay Somalialnd, weli waxba ka soo gaadhin dhaqaalihii shirkii kal hore lagaga yaboohay.
Ugu dambayn Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu gabo-gabadii shirkaasi soo bandhigay dhawr qoddob oo sida la sheegay la isla fahmay,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen kuwani:-
1.In wixii Somaliland khuseeya aan la soo Marin Somalia balse ay go’aankeeda leedahay Somaliland.
2.In la Kordhiyo Kaalmada Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF
3.Inay Jiraan Deeqo loogu tallo galay Mashaariicda horumarineed ee Kaabayaasha Bulshada kuwaas oo abuuraya kor u kac dhaqaale.
4. In dawlada Ingiriisku ay qayb ka ahaato wada hadalada Turkiga ee Somaliland iyo Somalia.
Xigasho: Gudgudenews.com


