Mogadishu security sweep Alshabaab amir &militias Arrested

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Mogadishu security sweep Alshabaab amir &militias Arrested

Post by THE_TRUTH1 »

Hogaamiye ka tirsaa Ururka Al shabaab oo lagu soo qabtay Degmada Dayniile (VIDEO)

October 28, 2014 – Ciimadda Nabad-sugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa howgalo ballaaran ku soo qabtay hub iyo dadkii heystay kaddib howl gallo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa soo qabtay sagaal qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Guri ku yaalla degmada Dayniile ayaa laga helay hub badan oo dhulka ku duugnaa iyo dhowr qof oo ku sugnaa guriga.

[youtube]watch?v=Fr6uzIyNdEs[/youtube]


Degmada Howl-Wadaag ayay ciidamadu sidoo kale ka sameeyeen howl-galka, dhowr qof oo lala xiriiroyay inay ka tirsan Al-Shabaab ayaa laga soo qabtay xaafadaha u dhow suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag.

Sarkaal ka tirsan Nabad-sugidda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamadu ay heleen xog ku saabsan dadka iyo hubka la soo qabtay, ayna sii wadi doonaan baaritaannada noocaan ah.

Maalmo ka hor ayay ciidamada Nabad-sugiddu gacanta ku soo dhigeen dhallinyaro laga keenay gobollada oo ay Al-Shabaab doonayeen inay falal amni darro ka sameeyaan gobolka Banaadir, Kuwaas oo ku sugnaa guri ku yaalla degmada Howl-Wadaag.
zumaale
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3458
Joined: Wed May 04, 2011 5:45 pm

Re: Mogadishu security sweep Alshabaab amir &militias Arre

Post by zumaale »

Murursades being unfairly targeted?
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Mogadishu security sweep Alshabaab amir &militias Arre

Post by THE_TRUTH1 »

zumaale wrote:Murursades being unfairly targeted?
Alshabaab have no Tribe Mogadishu security force are getting more professional and self reliable :up:


[youtube]watch?v=t_-82M3dasY[/youtube]

Gabar Cuntada u karin jirtay Ciidanka Al Shabaab oo lagu soo qabtay Muqdisho (VIDEO)

October 29, 2014 – Hawlgal ay sameeyeen Ciidamadda Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Somalia oo Maanta lagu soo qabtay Hub, Daawooyin iyo Qalab kale oo Ciidan.

Ciidamada sirdoonka Dowladda ayaa waxaa soo gaaray xog sheegaysay in ay dhalinyaro badan oo Al shabaab katirsan ay daganaayeen guri, gurigaas oo loo ekaysiiyay guri caadi ahaa oo ay daganaayeen Qoys dhalin yaro ah. baaritaan kadib waxaa hub badan laga helay banaaka guriga, kaas oo ku duugnaa dhulka.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”