Wararka naga soo gaaraya deeganka cagaaran oo ka tirsan gobolka mudug ayaa sheegaya in ciimado ka tirsanaa jiray daraawishta puntland oo ku qalabaysan in ka badan 6-gaari oo tikniko ah ay galabta ka ruqaansadeen deegaanka cagaaran iyagoo ku sii jeeda dhinac maamulka galmudug si ay ugu biiraan maamulka gabolada dhexe ee dhawaan halkaas laga dhisi doono. Ciidamadaan ayaa maalmihii u danbeeyey ku sugnaa deegaanka cagaaran iyadoo muran xoogan uu soo kala dhexgalay iyaga iyo maamulka uu horkacayo Dr. Cwali Gaas. Waxaana maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo wasiiro ka tirsan Maamulka Gaas ayna ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta iyo kan amaanka iyagoo hab dalxiis ahaana ku joogay magaalada gaalkacyo; balse aan xal ka gaarin mashaqada u dhexeysay ciidamadan iyo maamulka Gaas Tan iyo markii dowlada dhexe ay ku dhawaaqday in gobolada dhexe loo dhisayo maamul u gaar ah waxaa gobolka mudug qaybtiisa puntland ka socday shirar iyo qaabkii ay uga qaybqaadan lahaayeen maamulkaas ay dowlada dhexe garwadeenka ka tahay. tanina waxay ka mid tahay saansaanta ah in gobolka mudug uu si toos ah ugu biiro maamulka gobolada dhexe. Isku soo wada duubow maamulka Dr. Gaas ayaa u muuqda mid cagaha la sii galay siyaasad xumo halkii ugu liidatay waxaana dadka indho-indheeya siyaasada ay sheegaan in ay ugu wacantahay isagoon talada aysan gacanba ugu jirin ayna iska maamushaan koox la baxday BILISO.

Crazy Weli