Wasiirada oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Wasiirada oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo

Post by THE_TRUTH1 »

DEG DEG: Inta badan xubnaha Golaha Wasiirada oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo
by A M | Sunday, Nov 16, 2014 | 1078 views




Ilaa 14-Wasiiro oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed inuu is casilo, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, kaasoo saameyn ku yeeshay fadhiyadii Baarlamaanka

Warqad ay qoreen Wasiirada ayaa waxay Ra’iisul Wasaaraha uga codsadeen inuu is casilo, isla markaana ay adkaatay habsami u socodkii Howlaha Xukuumada, kaasoo saameyn ku yeeshay khilaafka.

Sidoo kale Wasiiradan oo taageersan Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato taladooda, maadaama ugu badnaan wasiiradan ay isku raaceen.

Kulamadii Golaha Wasiirada ayaa u qabsoomi waayay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, tan iyo intii uu dibada u soo baxay bishii hore.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in warqad ay ku saxiixnaayeen Wasiiradan ay caawa fiidkii u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo la sheegayo inay muddo 24-saac ay siiyeen, inkastoo aan si rasmi loo xaqiijin karin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hadii Ra’iisul Wasaaraha ku adkeysto in aanu is casilin laga yaabo in Wasiiradan ay ku dhawaaqaan is casilaad, taasoo ka dhigeysa in Ra’iisul Wasaaruhu uu kalsooni soo weydiisto Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa taageersan Wasiiro dhowr ah oo uu ka mid yahay Kuxigeenkiisa ahna Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Ridwaan, Mustaf Dhuxulow, Wasiirad Khadiijo, Wasiirka Amniga Khaliif iyo kuwo kale.

Hadaba Magacyada Wasiirada ee u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo ayaa magacyadooda kala ah:-

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Bare
2-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
3-Wasiirka Maalliyadda Xuseen Cabdi Xalane
4-Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
5-Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar
6-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Khaalid Cumar Cali
7-Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle
8-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
9-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luqmaan Sheekh Ismaaciil
10-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow)
11-Wasiirka Qorsheynta Saciid C/laahi Maxamed
12-Wasiirka Beeraha Cabdi Axmed Baafe
13- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Mudane Maxamed Coloow Baroow
14-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Nadiifo Maxamed Cusmaan

Lama oga sida xaal noqon karo, iyadoo labadii kulan ee u dambeeyay mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo Xildhibaanada loogu qeybin lahaa uu buuq ku dhamaaday.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”