12 million dollar investment
Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Bangiga Dahabshiil+Sawiro
Hargeysa(Ramaas)November-30-2014-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa maanta Xadhiga ka jaray Bangiga Dahabshiil oo laga hirgaliyay Badhtamaha Caasimada Hargeysa.
Munaasibada Furitaanka waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha,xubno golihiisa wasiirada ka tirsan,Madaxda Dahabshiil,Madaxda Xisbiyada,Xildhibaano, Madaxdhaqameed,Culimo awdiin,aqoon yahan,ganacsato iyo marti sharaf kale.
Bangigan ayaa ah Bangigii ganacsi Islaami ah ee ugu horeeyay oo Somaliland laga furo, waxaanu suuro galinayaa maalgalin dhanka dhaqaalaha ah iyo ka qayb qaadashada horumarka sida uu sheegay maareeyaha guud ee Dahabshiil Group.
Dhismaha laga furay bangigan oo sidoo kale qaybihiisa kale laga furi doono xarumo ganacsi oo muwaadiniin Reer Somaliland ahi leeyihiin ayaa dhismihiisu socday mudo 7 sano ah, iyadoo ay ku baxday lacag dhan 12 Milyan oo Dollar.
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ma ... C82jo.dpuf















