PSU ,one of the leading Universities in East Africa, has provides free scholarships to 35 Marehan students from Galgaduud and Gedo. Some will attend the Garowe campus, others the campus in Gaalkacyo.
Xarunta jaamacada Puntland State University PSU ee Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayey maalinta midowga jaamacadaha Qaarada Afrika oo sanad walba 12-ka November laga xuso wadamada Afrika sidoo kalena waxaa munaasabadaani lagu soo dhoweynayey arday kasocotey gobolada Gedo iyo Galgaduud oo jaamacadu deeq waxbarasho siisay.
Garowe(PT) Jaamacadda Puntland State University (PSU ayaa deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah sanadkaan ugu deeqday 35 arday oo kala socdey gobolada Gedo iyo Galgaduud iyadoona 15 kamid ah ay sanad jaamacadeedkii ka bilaabeen xarumaha Jaamacada ee magaalooyinka Garoowe iyo Galkacyo.