
M/weyne Gaas oo martiqaad ka helay M/weyne Axmed Madoobe, kuna wajhan Kismaayo dabyaaqada bishan
Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagi doona Jubaland dabayaaqada bishaan Decembar.
Booqashada Madaxweyne Gaas ee Kismaayo ayaa noqoneysa tii ugu horeysey oo Madaxweyne Puntland uu ku tago Jubaland tan iyo Markii la yagleelay Dowlada Jubaland ee Soomaaliya.
Booqashada Madaxweyne Gaas ee Kismaayo ayaa qayb ka ah Shirweyne lagu Magacaabo Qurac Farum oo Madaxweynaha Puntland gogoshiisa uu dhigey kaasoo bilowga sanadka dambe 2015 ka dhici doona Magaaladooyinka Garowe ama Kismaayo waxaana lagu casumay Jubaland iyo Koonfur Galbeed, Bishii oktoobar ayaa Madaxweyne Gaas uu dhigey gogosha Shirkaan dhici doona bilowga 2015.