Gabayga
Posted: Thu Jan 29, 2015 5:04 pm
What a poem! I don't even understand most of it yet I feel so impressed. This poem was made by Sayid Abdalle Hassan when he defeated this British Commander whose name was Cornfield.
•Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
•Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la'aaneede
•Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
•Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
•Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
•Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda
•Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
•Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
•Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh
•Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
•Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
•Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
•Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
•Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
•Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji
•Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
•Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
•Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
•Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
•Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
•Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh
•Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
•Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
•Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh
•Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
•Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
•Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
•Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
•Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
•Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh
•haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
•Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
•Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.