Madaxweynaha oo markii uu halkaasi gaadhay ugu horayn salaan madaxweyne ka qaatay ciidanka qaranka Somaliland, ka dibna uga sii gudbay dhinaca kuliyadda, isaga oo xadhigga ka jaray mashaariic dhawra oo halkaasi uga hirgalay ciidanka qaranka sanadkii tegay ee 2014 ka oo ay ugu waa weynaayeen, Furitaanka guri ballaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil ku xigeenka Kuliyadda tababarka Dardarweyne, gurigan oo qaadi doona 250 Sarkaal.
Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu xadhigga ka jaray qolka shirarka kuliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan, kuna qadayn karaan, waxna ku daawan karaan, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay saraakiisha iyo taliyeyaasha Ciidamada, dedaalka iyo horumarka ay ka muujiyeen dugsiga tababarka saraakiisha iyo guud ahaanba ciidamada qaranka Somaliland.
Madaxweynaha oo ku guda jira mashaariicda kala duwan, wuxuu ugu danbayn xadhigga ka jaray hool weyn oo loogu talo galay inay 200 oo sarkaal ku cuntayn karaan kaasi oo ay u dhamaystirnaayeen guud ahaan qalabkii loogu talo galay, waxaanu mdaxweynuhu soo kormeeray guud ahaan Kuliyada, isaga oo faah-faahina ka siiyey taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, Ismaaciil Shaqale.
Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markaasi ka dib waxa uu khudbad dheer ka jeediyay Xafladda loogu debaal-dagay sanad guurada 21-aaad ee aasaaska ciidamada Qaranka Somaliland. Waxaanu hambalyo u diray ciidamada iyo xaasaskooda iyo carruurtooda, isagoo Alle uga rajeeyay inay sanadkan kiisa kale u gaadhaan nabadqab iyo badheedhe.
Madaxwaynaha ayaa khudbaddiisa ku bilaabay sidan "Maanta (Shalay) oo ah maalintii aasaaska Ciidanka Qaranka, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtooda meel kasta oo ay joogaan, anigoo guud-ahaanba Ciidamada kala duwan qalabka sida hambalyo u diraya. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa dhammaan shacab-weynaha Somaliland gudo iyo debadba. Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso. Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dib jira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.
Anagoo ka duulayna muhiimada ay cududa ciidamadu dalkan ugu fadhiyaan, isla markaana dareensan duruufahooda gaar ahaaneed waxaanu tacab iyo dedaal gelinay kor u qaadida tiradiina, tayadiina, saanadiina iyo mooraalkiina, waana ta keentay in sadex-jeer mushahar ama gunno laydiin kordhiyo intii Xukuumadaydu talada dalka haysay.
Anigoo ogsoon in dedaalada la sameeyey weli aanay daboolin duruufihiinii gaar-ahaaneed, waxaan idin dareensiinayaa in aad u shaqaynaysaan dalkiinii, uguna dulqaadataan darayada iyo debadyaalka, maxaa yeelay waxaad u soo diyaar garawday in aad dhiigiina u daadisaan, dalkaaguna wuxuu u qalmaa in aad u dhimato.
Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.
Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada.
Waxaad ku calool samaataan in dadkiinu ogyihiin waxaad ugu maqantihiin dawlad-ahaan aanu ku hawlan-nahay daryeelkiina, waxaanan idin farayaa in aad mar walba illaalisaan dhisbiliinka ciidanka oo ah waxa aad kaga duwan-tihiin dadka shicibka ah” ayuu ku yidhi Madaxweynuhu khudbaddiisa.



