the only regional capital that was visited by two foreing presidents!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

the only regional capital that was visited by two foreing presidents!

Post by sahal80 »

Waayo waayo!

A foreing president with only two somali body guards spends two days in baladweyne!

How the society and politics have changed radically!


"Magaaladda Baled Weyne oo Martigelineysa Madaxweynihii Labaad oo Afrikaan ah 40 Sanno ka dib.

Sunday, February 22, 2015 // u Jawaab
Waxaan ka mid ahaa Ubaxii Kacaanka ee ku Soo dhaweeyey Magaalada Baled Weyne ee Gobolka Hiiraa Sannadkii 1975 Madaxweynahii Hore ee Dalka Uganda Iidi Amiin Daada oo Waqtigaas si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Baled weyne.
Maanta oo ay bishu tahay 22 Febraayo 2015 waxaa Magaalada Beled weyne Booqasho ku tagey Madaxweyanaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyadoo Magaalada Baled weyne lagu tiriyo Magaalo inta badan ay ka yimaadaan Madaxda Wadanka Bal Sannadaahaan dambe ay ka gaabiyeen taasoo lagu macneeyey Dagaaladii Sokeeye ee Dalka ka dhacay. .
Bal aan is Barbar dhigno labada Booqasho iyo waxa ay ku kala duwan yihiin marka hore Booqashadii Iidi Amiin lama uusan Socon Madaxweynihii Xiligaas Maxamed Siyaad Barre , halka Madaxweynaha Jabuuti uu Booqashadiisa uu ku wehliyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud

Iidi Amiin waxaa uu la socdey Diyaarada Somali Airline halka Madaxweynaha Jabuuti uu la socdey Diyaarad laga leeyahay Dalkiisa Jabuuti (Jabuuti Airline), Iidi Amiin markii uu soo gaarey Magaalada Baled weyne waxaa Diyaarada kala soo degey Laba Askari Booliis Soomaaliyeed,waxaana uu hore u sii raacay Gaari uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka oo aanan Xasuusan Magaciisa welibana Magaalada Gudaheeda waxaa ku sugnaa Ciidan Boolis oo aad u tiro yar kuwaa oo sugeyey amaanka Madaxweynaha , halka Madaxweynaha Jabuuti ay diyaaradiisa la socdeen Ciidan aad u fara badan iyadoo Magaalada aad loogu soo daadiyey Ciidamo Soomaali iyo Jabuutiyaan ah oo wata Dabaabaad kuwaa oo kala Xirey Isku socodkii dadka iyo Gaadiidka.

Madaxweynihi hore Uganda Iidi Amiin waxaa uu dhagax Dhigey Dugsiga hoose Dhexe ee Xaawo Taako oo ku dhaw Boondo Koowaad, isagoo bixiyey Kharashkii ku baxay Dugsigaas , halka Madaxweynaha Jabuuti oo Balanqaadkiisu ahaa in Ciidamooda ay naftooda u hureen Shacabka Gobolka Hiiraan.

Intii uu Joogey Iidi Amiin waxaa lacago siiyey Dadka Masaakiinta ah isagoo lugaynayey laga soo bilaabo Xerada lama Galaay ilaa Xaafada Iridda Amiin, waxaa iigu yaab badnaa markii Haweeney Masaakiin ah uu siiyey Laba Boqol oo Shilin Soomaali ah taasoo ay indhaheedo Ilin ku soo is taagtey .halka Madaxweynaha Jabuuti booqashadiisu ku soo beegantey Xili ay adag tahay in ay dadka isku socdaan islamarkaana uu gacan qaado Calashaan Dhinaca Amaanka .

Booqashadii Iidi Amiin Waxaa loo sababeeyaa iyadoo Xiligii Gumeystaha uu Iidi Amiin uu Magaalada Baled weyne uu ka ahaa askari la socdey Ciidamadii Ingiiriiska sidaan uu ku doortey Magaaladii uu joogi jirey ,halka Madaxweynha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geeele uu halkaa u tagey in uu dhiirageliyo Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan

Madaxweynihi hore ee Uganda Iidi Amiin Waxaa uu Magaalada Baled weyne uu joogey Laba Maalmood iyadoo Maalin Jimco ahayd uu Bulshada ku nool Magaalada uu Salaada Jimcaha kula Tukadey Masjidka Jaamaca ah iyadoo sidoo kale Dadka Masaakiinta uu halkaa ku siiyey Lacago Sadaqo ah , halka Madaxweynaha Jabuuti ay adag tahay in uu si Caad ah u dhex Mushaaxo Magaalada Baledweyne.

Booqashada Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ee Magaalada Baledweyne iyo Madaxweynihii Hore ee Uganda Iidi Amiin Daada waa Labo Booqasho oo aad u kala duwan mara loo fiiriyo Xiliyada ay ku soo beegmeen sidoo kale Magaalada Baled weyne oo ah halkii aan ku soo korey ayaa Booqashada Ismaaciil Cumar Geelle ee Baledweyne noqoneysaa Booqashadii Labaad oo Madaxweyne Afrikaan ah ku tago 40 Sanno ka dib waxaana Qoraalkeyga ku soo Gabagabeyaa Halkayska Reer Baled weyne ee Marka ay la Tartamayaan Gobolada
Waa Qoraxdoo Soo bixi weydo,
Waa Webigoo Biyo laga waayey
Waa Beled Weyne Baar kuma taal
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey"
knet
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2071
Joined: Fri Mar 28, 2014 2:53 pm

Re: the only regional capital that was visited by two foreing presidents!

Post by knet »

:| :| :? :? :-@
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: the only regional capital that was visited by two foreing presidents!

Post by original dervish »

Hiiraan is a f*@king joke.....they were supposed to have the best military in Africa and still can't clear shabaab from their region.
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: the only regional capital that was visited by two foreing presidents!

Post by sahal80 »

Hiiraan sounds the best when you compare to your lacageey lacageey and corruption infested region
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”