Madaxweynaha oo ku baaqay in loo diyaar garoobo dhismaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
by A M | Monday, Feb 23, 2015 | 2750 views
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii looga qeyb qaadan lahaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hadal heyntiisu aheyd mid aad u sii xoogeysaneysay tan iyo sanadkii hore.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay la hadlayay dadka reer Beledweyn, xilli isaga iyo Madaxweynaha Jabuuti ay booqdeen ayaa ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay u diyaar garoobaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hirgelinta nidaamka Federaalka ee haatan ka socda dalka.
“Waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dhismaha Maamul loo dhan yahay iyo inaan diyaar u noqono hirgelinta maamulka Federaalka, waxaa soo socda dhismihii Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Maamul goboleedyada ay ka qeybq aadan karaa horumarinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada.
“Waxaan rabaa in aad la tashiyo la yeelataan dadka ay talada idinkala dhexeyso si loo helo maamul qeyb ka noqda nidaamka Federaalka, talo ayaad ku leedihiin dhismaha maamul goboleedyada, dhismaha maamul u sameynta gobollada dhiman meel fiican ayay marayaan, ee u istaaga sidii aad u badin laheedeen talooyinka ku aadan dhismaha maamul goboleedyada” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.
Inkastoo aan wali la iclaamin xilliga uu qabsoomi doono shirweynaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, hadana waxaa labadii bilood ee la soo dhaafay si xowli ah u socday wada tashiyada iyo kulamada laga lahaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo la filayo in inta aanu dhamaan sanadkan in la dhiso.
Maamulka Gobolada Dhexe ayaa la filayaa in 1-da bisha Maarso la dhiso, iyadoo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ay ka dhici doonto degmada Cadaado, halkaasoo ay isugu tagi doonaan ergada dooran doonta Madaxweynaha Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Madaxweynaha oo ku baaqay in loo diyaar garoobo dhismaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1512
- Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
- Location: canada
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 658 Views
-
Last post by kaliil
-
- 3 Replies
- 377 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 31 Replies
- 2976 Views
-
Last post by Halmog
-
- 3 Replies
- 836 Views
-
Last post by juzme123
-
- 0 Replies
- 451 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 12 Replies
- 1236 Views
-
Last post by sahal80
-
- 9 Replies
- 1048 Views
-
Last post by melo
-
- 4 Replies
- 735 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 2 Replies
- 307 Views
-
Last post by *+*Bliss+*+