Somali and German Parliament form joint committee to improve relationship

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Somali and German Parliament form joint committee to improve relationship

Post by THE_TRUTH1 »

Somali and German Parliament form joint committee to improve relationship


Prof. Jawaari oo raba inuu isku xiro baarlamaanada Soomaaliya iyo Jarmalka (Sawirro)

Posted on March 4, 2015 by Mo in Af-Soomaali, Featured with 0 Comments

Image

Mareeg.com: Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrimo caafimaad u aaday Jarmalka, ayna la socdeen xubno uu ka mid yahay ku xigeenkiisa 2-aad, Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta ku tagay booqasho taariikhi ah xarunta baarlamanka Jarmalka, halkaasoo ay kulammo kula qaateen guddoonka baarlamaanka Jarmalka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xubnaha l socday ayaa kula kulan la qaatay gudoonka baarlamaanka dalka jarmalka, waxaana kulanka looga wadahadlay sidii xiriir adag iyo iskaashi ay u yeelan lahaayeen baarlamaannada Soomaaliya iyo Jarmalka.

Prof. Jawaari ayaa si gaar ah kulan ula qaatay guddiga baarlamaanka Jarmalka u qaabilsan arrimaha bariga Afrika oo ka kooban 36 xildhibaan, iyadoo goobta ka ballanqaaday inay dhisayaan guddi wadajir ah oo ka shaqeeya xiriirka iyo wada shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jarmalka.

Sidoo kale, wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulmay madaxa xafiiska arrimaha dibadda ee Afrika, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerrada iyo iskaashiga Soomaalia iyo Jarmalka oo iyagu horay u lahaan jiray xiriir taariikhi ah.

Prof. Jawaari ayaa dalka Jarmalka bishii lasoo dhaafay ugu sodaalay arrimo caafimaad, hase ahaatee wuxuu safarkiisa uga faa’iideystay inuu xiriir u sameeyo baarlamaanada Soomaaliya iyo Jarmalka.
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Somali and German Parliament form joint committee to improve relationship

Post by THE_TRUTH1 »

Prof. Jawaari ayaa si gaar ah kulan ula qaatay guddiga baarlamaanka Jarmalka u qaabilsan arrimaha bariga Afrika oo ka kooban 36 xildhibaan, iyadoo goobta ka ballanqaaday inay dhisayaan guddi wadajir ah oo ka shaqeeya xiriirka iyo wada shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jarmalka.


Image
Image

:som: :up:


Great news Somali forming strong relation with UN Security Council member , America - China - India - Uk the more friends the better
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”