AUN Maxamed Aadan Guuleed ( Caano Geel ) Taariikh

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
1moonlight
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 969
Joined: Sat Jan 29, 2011 4:32 pm
Location: Guriga Jid Cadaha Saaran.

AUN Maxamed Aadan Guuleed ( Caano Geel ) Taariikh

Post by 1moonlight »

ilaaheey ha u naxariisto Marxuum Maxamed Aadan Guuleed ( Caano Geel ) janatul Fardoowsa ilaaheey ha ka waraabiyo.

wuxuu ahaa qof ilaaheey ka cabsado oo waligiis eeysan salaat ka tagin, wuxuu ahaa nin laga Jeclaa Europe oo uu ka deganaa London ilaa iyo Africa, wuxuu ahaa nin umada Soomaaliyeed wax weeyn u qabtay gaar ahaan Reer Muqdisho.

maantay abaalkii uu galay iyo wanaagii uu umada Soomaaliyeed u sameeyay waa loo abaal guday oo Maamulka Banaadir iyo Gudoomiye Muungaab ayaa balan qaaday in ee caruurtiisa wax ka korin doonaan.




Alle ha u naxaristee Maxamed Aadan Guuleed oo loo yaqaano ” Caano Geel ” waxa uu ku dhashay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Taariikhdu marki ay ahayd 21-Bishii October Sanadkii 1968.
Hooyadiisa waxaa La dhihi jiray Cibaado Macalin Shuceyb Alle ha u naxriistee waxay Geeriyootay sanadkii 2004, sidoo kale Aabihiis Aadan Guuleed waxa uu geeriyoday Alle ha u naxaristee Sanadkii 2006.
Dugsigii Quraanka ee Caanka ahaa ee la dhihi jiray Macalin Nuur Cilmi Cawaale ayuu ka baxay oo ku yaalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Sanadkii 1974 waxa la geeyay Dugsiga Hoose, Dhexe ee Cadaado oo u dhameeyay Sanadkii 1982.
Intaasi ka dib waxa uu u soo Wareegay Magaalada Muqdisho waxa uuna galay Dugsigii Sare ee Machadka General Daa’uud ee uu dhameeyay Sanadkii 1985, intii u dhiganaayay Machadkaasi ayaa waxa uu ka mid noqday Shaqaalaha Joogtada ah ee Wasaarada Cayaaraha.
Markii uu dhameeyay Dugsigii Sare ee Machadka General Daa’uud Sanadku Markuu ahaa 1987 waxa u galay Kulliyada Lafoole gaar ahaa waxa u bartay Taariikhda iyo Juquraafiga.
Bishii Febraayo Sanadkii 1990 waxa uu furay Wargeyska Caanka ah ee Xog Ogaal oo ilaa iyo hada soo baxa.
Sanadkii 2000 waxa uu ka qeyb galay Shirkii Carta ee lagu qabtay Magaalada Jabuuti, isla markaana wax xil ah kama qaban Shirkaasi.
Bishii Janaayo ee Sanadkii 2003 ayaa ka baxay Dalka Soomaaliya waxa uuna dagay oo uu in mudo ah ku noolaa Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska.
Sanadkii 2012 ayaa Dalka dib ugu soo laabtay Mudo ka dibna waxa loo Magacaabay Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Dhanka Siyaasada iyo Arrimaha Dimoqoraadiyada ee maamulka Gobolka Banaadir.
Bishaan Febraayo 20-keeda sanadkan 2015 ayuu ku geeriyooday Qarax ka dhacay Masjid ku yaalla Gudaha Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.isla Maalintaasi ayaa lagu Aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxaristee Marxuum Maxamed Aadan Guuleed ” ” ayaa Ifka ugu tagay 12 Caruur iyo hal Xaas.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo u muddo bilooyin ah la soo Shaqeynaayay ayaa ku amaanay howsha adag ee u ka haayay Gobolka banaadir isla markaana waxay ku tilmaameen inuu ahaa Nin dhowrsan oo Alle ka cabsi badan.
Sidoo kale Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Marxuum Maxamed Aadan Guuleed ” Caano Geel ” waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin Howlkar ah oo howshiisa Daacad u ah isla markaana abaabulka iyo qaban qaabada Xafladaha ku fiicnaan oo ay jeclaayeen Shacabka iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.

http://qarandhise.com/?p=1655



dadka Marxuumka aflagaadeeynayo ilaaheey ayaa ka jaaseeyn doono, qof ilaaheey caabudi jiray oo wanaag badan umad badan u sameeyay in wax laga sheego ma fiicno.
Last edited by 1moonlight on Mon Mar 16, 2015 2:17 pm, edited 2 times in total.
User avatar
FieldMarshalMenace
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5301
Joined: Tue Sep 02, 2014 12:10 pm

Re: AUN Maxamed Aadan Guuleed ( Caano Geel ) Taariikh

Post by FieldMarshalMenace »

simply answer my question...was he or was he not part of the hell hole government in Somalia?
User avatar
FieldMarshalMenace
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5301
Joined: Tue Sep 02, 2014 12:10 pm

Re: AUN Maxamed Aadan Guuleed ( Caano Geel ) Taariikh

Post by FieldMarshalMenace »

if confirmed that he was part of the gov then im ready with my habar...same way I would send my habar if Siilaanyo expires tomorrow...
User avatar
1moonlight
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 969
Joined: Sat Jan 29, 2011 4:32 pm
Location: Guriga Jid Cadaha Saaran.

Re: AUN Maxamed Aadan Guuleed ( Caano Geel ) Taariikh

Post by 1moonlight »

FieldMarshalMenace wrote:if confirmed that he was part of the gov then im ready with my habar...same way I would send my habar if Siilaanyo expires tomorrow...
please go away.
User avatar
Libix
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 976
Joined: Tue Oct 28, 2014 9:31 am

Re: AUN Maxamed Aadan Guuleed ( Caano Geel ) Taariikh

Post by Libix »

Aamiin 1moonlight.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”