waa hees xikmad iyo Xeelad badan, waana qiso dhab ah oo soo martay abwaan kii tiriyey alla ya raxma Maxamed Cali Kaariye.
Kuwa loogu magac daray ee
Muuqa aan la kala garan
Caku muhashadoodii
Heesaha macaan iyo
Muusigiyo codkay dilay
Dhegaha aan ka maalee
Marka aan illaawaba
Wax i soo mir kiciyoo
Maqlo waayi maayee;
Maqlo waayi maayee;
Ma hayoo,
Mana sugaayoo
Iimana maqnee
Maareeyoo sidee buu cishqugu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga meermayaa?
Kalgacaylkan igu mudan
Maal haddii aan siiyoo
Oo macawiis iyo shaal
Dhar ku muunadeeyoo
Maamuuso sooroo
Oo aan u mahadnaqo
Markaan soco idhaahdo
Tolow mayga tegayaa?
Ma hayoo,
Mana sugaayoo
Iimana maqnee
Maareeyoo sidee buu cishqugu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga meermayaa?
Mawdka waad ku samirtaa
Maya na waad ku dheregtaa
Murankuna sed weeyee
Isha milicsigeediyo
Maalin-aragna waa dane,
Mashaqo waa tanoo kale
Iyo murugo ciilkeed,
Ruuxii meel fog kaa jira
Uu maanku raacee,
Ma hayoo,
Mana sugaayoo
Iimana maqnee
Maareeyoo sidee buu cishqugu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga meermayaa?
Muusigiyo codkay dilay
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1408
- Joined: Sat Mar 15, 2014 11:22 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 1124 Views
-
Last post by Anab
-
- 0 Replies
- 705 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 15 Replies
- 1636 Views
-
Last post by waraabe251
-
- 14 Replies
- 1299 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 18 Replies
- 1382 Views
-
Last post by udun
-
- 6 Replies
- 563 Views
-
Last post by Real_1
-
- 9 Replies
- 1048 Views
-
Last post by paperino
-
- 10 Replies
- 818 Views
-
Last post by Lamagoodle
-
- 9 Replies
- 818 Views
-
Last post by Machiavelli2
-
- 0 Replies
- 262 Views
-
Last post by abdi342