ideo Wasiir Jangali oo Salaan ka qaatay Cutubyo Ka tirsan Ciidamada Difaaca Buuhodle iyo Kulan dhexmaray
Aug 10, 2015 - 148 Aragtiyood
Qaarkamida Ciidamada difaacada deegaanka Buuhoodle oo sugayey Amniga Garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle ayaa Salaan Sharaf siiyey Wasiirka Duulista iyo Hawada Dawlada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jengali).
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ciidamada ayaa ka warbixiyey Xaalada deegaanka iyo Halgankii loosoo maray Xoriyada deegaanka, waxayna sidoo kale sheegeen in wali ay jirto Dhibaato lagu hayo deegaanka Taasi oo ay ugu wayntay Soomaalinimada.
Wasiirka oo dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan Baahiyaha loosoo gudbiyey, Waana Wasiirkii ugu horeeyay ee ka Tirsan Dawlada Federaalka ee soo gaadha deegaanka Isagoo Xil haya.

