Galmudug and Ahlusuna sign agreement to Unite

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Galmudug and Ahlusuna sign agreement to Unite

Post by THE_TRUTH1 »

Galmudug and Ahlusuna sign agreement to Unite


Image

Maamulka Galmudug iyo Xubno ka tirsan Ahlusuna oo maanta heshiis ku kala saxiixday Cadaado
by A M | Thursday, Aug 27, 2015 | 5308 views




Agosto 27 (Jowhar)— Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maanta heshiis awood qeybsi ah ku kala saxiixday magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamul goboleedka Galmudug.

Heshiiskan ayaa dhigaya sidii Ahlusuna uu uga mid noqon laheyd Maamulka Galmudug, waxaana heshiiskan uu suura gelinayaa in Ahlusuna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug, Wasiirada, Taliyeyaasha ciidanka iyo maamulada la dhisayo.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Golayaasha Ahlusuna Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa heshiiskan labada dhinac u kala saxiixay.

Waxaa saxiixa heshiiskan goob joog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanada Federaalka iyo Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Sheekh Maxamed Axmed Faarax Iyo Guddoomiyaha Talada Sheekh Cumar Cabdiqaadir.

heshiis1

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha Heshiiskan lala saxiixday ay ahaayeen garab ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlusuna, inkastoo aan la ogeyn mowqifka ay ka qaadan doonaan xubnaha Ahlusunada kale ee fadhigooda yahay Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Xubnaha heshiiskan saxiixay ayaanay ku jirin xubnihii dhowaan Dhuusa Mareeb loogu doortay Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusuna, gaar ahaan Madaxweynihii iyo Madaxweyne kuxigeenayaashii kale.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la filayaa inuu soo magacaabo Golaha Wasiirada, waxaana ka dhex muuqan doona xubnaha Ahlusuna iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka.



Like it? Share it!
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Galmudug and Ahlusuna sign agreement to Unite

Post by FarhanYare »

:up: :)
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”