Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by THE_TRUTH1 »

Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Iska hor imaad Garbahaarey ku dhex maray ciidamo Itoobiyaan iyo Ciidamo Soomaali ah
by mahad | Monday, Sep 7, 2015 | 2733 views



Image :som: :up:
September 7 (Jowhar)—Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu Iska hor imaad ku dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo Ilaalo u ah Guddoomiyihii gobolka gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu xalay soo galay magaalada Garbahaarey.

Hase yeeshee waxaa diiday imaanshaha guddoomiyaha gobolka Gedo maamulka uu u magacaabay gobolka Gedo Axmed Madoobe.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Garbahaarey ayaa weerar ku qaaday guriga uu ka degenaa magaalada Garbahaareey guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowlada Federalka Maxamed Cabdi Kaliil.

Lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan hase yeeshee waxaa ay ciidamada Itoobiya ay ku guuleysan waayeen in ay qabtaan guddoomiye Kaliil.

Xaalada Garbahaarey ayaa ah mid kacsan, iyadoo dadweyne fara badan ay hor-dhoobteen Guriga Maxamed Cabdi Kaliil, iyagoo ka soo horjeeda isku day ay Ciidamada Itoobiya ku doonayaan inay ku xeraan.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa horay xilka uga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Kaliil,waxaana uu ku badalay Axmed Buule Maxamed.

Haweeney ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Ciidamada Itoobiya oo lix gaari wata ay guriga Maxamed Cabdi Kaliil soo weerareen, kuna hareereysan yihiin, si ay u xoreen, isla markaana ay dadka deegaanka hor-taagan yihiin.

“Ciidamada Itoobiya oo lix gaari wata ayaa soo weeraray Guriga Maxamed Cabdi Kaliil, weyna ku wareegsan yihiin, dadweynihii magaalada ayaa diidan nin bey noo soo magaceebeen oo Doolow ka keeneen, anagana waa hor-taagan nahay, in nala laayo ayaa diyaar u nahay”ayay tiri Haweeneydan la hadashay Warbaahinta.

Maxamed Cabdi Kaliil iyo siyaasiyiinta reer Gedo ayaa bishii hore laga musaafuriyay Gobolka Gedo, kadib markii heshiis iyaga iyo Maamulka Jubba ku dhex maray Doolow uu fashilmay, waxaana saraakiisha Gedo ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya u hanjabeen, kuna wargeliyeen inay xirayaan hadii aanay gobolka ka bixin.

Degmada Garbahaarey ayaa tan iyo markii Maamul cusub loo soo magacaabay waxaa ka socday banaan bax looga soo horjeeday maamulkaas iyo xil ka qaadistii Maamulkii hore, waxaana taas keentay in magaalada bandow la geliyo, kadib xiisado hareeyay.
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17681
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by theyuusuf143 »

I wanted to congratulate him. But i just realised he was fired by his boss shaydaan madoobe.
Duco qabe xilku waa meerto !
User avatar
AbkoowDhiblaawe
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14237
Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
Location: chilling in Liido beach

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by AbkoowDhiblaawe »

Kaliil waa rageedi.
Xildiiid
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7200
Joined: Thu May 15, 2014 4:45 pm
Location: Since light travels faster than sound, people appear bright until you hear them speak

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by Xildiiid »

Rageedi :up:

Somalis are 3rd class citizens in Ethiopia (K5) and Kenya (NFD). Kaliil shouldn't let them dominate him in his own region.
User avatar
thegoodshepherd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3571
Joined: Thu Jan 09, 2014 2:59 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by thegoodshepherd »

Ahmed Madoobe moved too fast, he should have tried to come to a power-sharing agreement with Kaliil.
Kaliil has the support of most people in Gedo, to remove him by decree was just not going to work. Now Alshabab may take advantage of the situation. Bad strategy on the part of Madoobe.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by original dervish »

As long as the Kenyans are around Madobe can do whatever the f@*k he likes. :)
User avatar
Turbulence
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2635
Joined: Thu Sep 25, 2008 3:06 am
Location: I take my time but I always win

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by Turbulence »

I don't know how much he changed but Kaliil himself was an Ethiopian stooge for a long time before he fell out with him. Don't trust these so called Somali leaders. They always all of a sudden become wadani when Ethiopia or any of Somalia's other enemies discard them after they find a new stooge. The people in Gedo do support him though mainly because they are opposed to someone else selecting leaders for them without any input from them.
theyuusuf143 wrote:I wanted to congratulate him. But i just realised he was fired by his boss shaydaan madoobe.
Duco qabe xilku waa meerto !
Waxaad wax ka ogeen in laga hadlo ma wanaagsano saaxib. Kaliil had nothing to do with Madoobe and he was a governer of Gedo while Madoobe was in the Ras Kamboni bushes as a member of Al Shabab and that Shabab allied Hassan Turki group. Madoobe is Ethiopia and Kenya's current favored stooge and he has no real power anywhere outside of Kismaayo.
User avatar
incognito1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Fri Oct 03, 2014 2:37 pm

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by incognito1 »

Turbulence wrote:I don't know how much he changed but Kaliil himself was an Ethiopian stooge for a long time before he fell out with him. Don't trust these so called Somali leaders. They always all of a sudden become wadani when Ethiopia or any of Somalia's other enemies discard them after they find a new stooge. The people in Gedo do support him though mainly because they are opposed to someone else selecting leaders for them without any input from them.
theyuusuf143 wrote:I wanted to congratulate him. But i just realised he was fired by his boss shaydaan madoobe.
Duco qabe xilku waa meerto !
Waxaad wax ka ogeen in laga hadlo ma wanaagsano saaxib. Kaliil had nothing to do with Madoobe and he was a governer of Gedo while Madoobe was in the Ras Kamboni bushes as a member of Al Shabab and that Shabab allied Hassan Turki group. Madoobe is Ethiopia and Kenya's current favored stooge and he has no real power anywhere outside of Kismaayo.

100%
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by grandpakhalif »

Rageedi weeye guul ban kurajaynaaya kaliiloow
sadeboi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11690
Joined: Wed Jun 02, 2004 7:00 pm
Location: Reer Siyaad Ugaas

Re: Gedo brave Governor Kalil Fights Ethiopians troops in Garbahaarey

Post by sadeboi »

theyuusuf143 wrote:I wanted to congratulate him. But i just realised he was fired by his boss shaydaan madoobe.
Duco qabe xilku waa meerto !

Adeer, Madoobe did not appoint him, nor can he fire him. Kalil, the Lion of Reer Hasan, the Son of Sade, the Last Somali.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”