Waxaa maanta oo Khamiis ah dagaal culus ka dhacay deegaan Il iyo Cameera oo ku dhaw tuulada Timirshe ee gobolka Bari. Halka dagaalku ka dhacay ayaa ahayd xarun cusub oo uu samaystey Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo Bishii Agoosto 2015 ka baxay ururka al-Shabaab isla markaana ku dhawaaqey in ay la midoobeen ururka isku magacaabey Dowladda Islaamka ee ka dhisan Dalalka Ciraaq iyo Siiriya, Daacish ayaa sidoo kale malayshiyaad u joogaan dalalka Liibiya iyo Yemen.
Wararku waxay sheegayaan in koox aad u hubeysan oo weli daacad u ah al-Shabaab ay gaareen buuraha Cal Miskood, kuwaas oo amar lagu siiyey in ay soo celiyaan Shiikh Cabdulqaadir Muumin ama soo dilaan.
Dadka deegaanka oo Horseed Media telefonka kula xiriirtey ayaa sheegaya in tan iyo habeenkii xalay saqdii dhexe rasaas culus la is dhaafsanayey, dagaalkuna u dhexeeyey al-Shabaab iyo Daacish.
Ururka al-Shabaab ayaa horey saldhig ugu lahaa Buuraha la yiraahdo Cal Madow, oo Bosaso kaga beegan dhanka Koonfur Galbeed, dhanka dagaaladu ka dhacayaan ayaa xarunta Gobolka Bari ka xigta Koonfur Bari waxaana ay u jirtaa qiyaas dhan 240km.
Ma cadda khasaaraha ka dhashey dagaalka ka dhex qarxay kooxda al-Shabaab iyo garabka ka go’ay ee taageeray Daacish, waxaana labada dhinacba ku adag in ay helaan adeeg caafimaad.
Guddoomiyaha Gobolka Bari oo warbaahintu la hadashey ayaa sheegay in aanu hadda dhihi karin al-Shabaab iyo Daacish ayaa halkaas ku dagaalamay, dhamaan argagixiso ayey noo yihiin, maadaama deegaanku fogyahay ayuu yiri maalinta berri ah ayaan ka hadleynaa, Yusuf Maxamed Wacays ayaase sheegay in deegaano ku dhaw tuulada Timirshe dagaal ka dhacay.
Shikh Cabdulqaadir Muumin oo horey ugu nolaan jirey dalka Ingriiska ayaa sanadkii 2010 ka mid noqdey ururka al-Shabaab, kadib sanadkii 2012 waxa uu galay dhanka Puntland oo uu ka soo jeedo. Sanadkan ayuu ka baxay baycadii uu kula jirey Amiirka al-Shabaab waxaana uu sheegay in uu bayco la galay Abuubakar al-Baqdaadi hoggaamiyaha IS/ISIL.
Bilo ka hor ayuu isaga oo wata malayshiyaad ku raacay fikirkiisa waxa uu ka talaabey waddada laamiga ah isaga oo u wareegay dhanka Bari.
Wararka dagaalkan ayaa ah kuwo si weyn looga hadal hayo magaalada Bosaso waxaana dadku is weydiinayaan sida ay ugu suurta gashey ciidamo sidaas u hubeysan in ay ka gudbaan waddada laamiga ah iyaga oo ka soo abxay buuraha Cal madow kadibna u talaabaan buraha kale ee Cal Miskood.
Al Shabab Vs Isis in Bari
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 502 Views
-
Last post by TarTar
-
- 2 Replies
- 442 Views
-
Last post by sconosciuto
-
- 8 Replies
- 913 Views
-
Last post by Saeedlfc
-
- 0 Replies
- 238 Views
-
Last post by TarTar
-
- 24 Replies
- 20402 Views
-
Last post by original dervish
-
- 3 Replies
- 798 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 23 Replies
- 3546 Views
-
Last post by Basra-
-
- 5 Replies
- 1645 Views
-
Last post by Gabre
-
- 3 Replies
- 1657 Views
-
Last post by Chinaman
-
- 2 Replies
- 634 Views
-
Last post by Machiavelli2