waxaa socoto qorshe ah in la sameeyo gole deegaan, bulshadana ay isu abaabusho sidii ay isu dooran lahaayeen” ayuu Madaxweyne Xasan hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Waxaa uu sheegay in bulshada ku nool gobolka banaadir ay wax la qabaan shacabka kale ee ku nool 18-ka gobol ee dalka, isla markaana la sameyn doono maqaamka gaarka ah ee ay caasimaddu leedahay.
“Gobolka Banaadir waxa uu ka midyahay 18-ka gobol ee dalka, gobolkasta xaqa uu leeyahay ayay leeyihiin bulshada gobolkan, balse waa caasimadda Jamhuuriyadda, Maqaam gaar ah ayay yeelaneysaa, inkasta oo aan weli diyaarsaneyn maqaamka, dowlad goboleedyada qaar dadka ku nool, waxaa ka tiro badan kuwa caasimadda ku nool, in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ahan, waxaa socoto qorshe ah in la sameeyo gole deegaan, bulshadana ay isu abaabusho sidii ay isu dooran lahaayeen” ayuu Madaxweyne Xasan hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.
Dad badan ayaa aaminsan in Gobolka Banaadir oo ay ku nool dad lagu qiyaasay illaa saddex milyan oo ruux la duudsiiyay xaqii uu lahaa, iyadoo go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha wada tashiga Qaran ee bishii Janaayo dhacay lagu qadiyay saami qeybsigii ay Gobolada ka heleen Aqalka Golaha Sare.