
Markab ka shiraacday dekadda magaalada Muqdisho oo siday geel ayaa ku xirtay dekadda Aladbiyad ee magaalada Suweys, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyeen markabkaasi wasiirada xannaanada xoolaha Masar iyo Somalia.

Markabkaan oo siday in ka badan 2,600 oo neef oo geel ah. Wasiirka xanaanada xoolaha Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in tallaabadani inay ku timid heshiis dowladdaha Masar iyo Somalia dhex maray sanadkii hore.

Wasiirka ayaa sheegay in ka hor inta aan la gaarin Ciida Carafo dalka Masar loo dhoofin doono xoola gaaraya 50,000 neef ah.

Heshiiskaan cusub ee u furmay suuqa xoolaha Somalia ayaa waxay fursad u tahay ganacsayada Soomaaliyeed iyo dadka xoolaha dhaqto.