Waxa ay ku caan tahay, udug iyo cagaar aan kala go'in gu iyo jiilaalba iyo dhirta kala duwan ee ay ka midka yihiin dayibka, waabayga, sooga, dhosoqa, lowanaaje, dhegmud iyo qaar kaloo badan. Badanka dhirta buurta ka baxdaa ma laha qodax sababta oo ah dhulka gubanka ama abaareedka ayaa ay inta badan dhirta qodaxdaha lihi ka baxaan, qodaxda oo ka caawisa geedka kaydsiga biyaha ka uumi bixi laha caleenta.
Dhirta kasokow waxa buurtu ay deegaan u tahay sankuneefle fara badan oo ay ka mid yihiin Fardaho, shabeel iyo meerisyada xoolaha la dhaqdo oo dhan.
Buurta Gacan libaax waxa degi jiray Ingiriiskii intii u dhaxaysay 1955 ilaa 1960kii. Waxa uu ka dhisay aqalo loo yaqaan 'Baydka Raaxada'. Sida ay ku soo weriyeen dadkii soo gaadhay waxa uu ahaa qal loo raaxo yimaado khaasatan la keeno dadka isku buuqa ee ka tirsanaa maamulkii Ingiriiska ee xiligaas joogay. Goobaha noocan oo kale ah waxa afka qalaad loogu yaqaanaa 'rehabilitation center', wakhtigii Xukunkii dawladii kacaankana waxa ay ahayd camp ciidan








