UN delegation meets with the strong man of hiiraan!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

UN delegation meets with the strong man of hiiraan!

Post by sahal80 »

Kkkkkk saan horey u sheegay our economist ugaas waa liqay culusoow

Wuxuu la cayaarayaa PMka iyo ICda ciyaalkiisana waa diiday inuu la kulmo ilaa hada odawaa 3 maalin wax qaabilay ma jiraan kkkkk cagtii joogsan waysa mar bay ceeb la kulantaa!

Diyaarada uu dabada ku soo dhagay waxaa ku qornaa pmk laakiin culusoow oo maseerbadan baa is hortaagey

Kolahaa pmkii mashquul buu noqdey anuu isoo wakiishadey kkkk indho adeeg!

Ugaas hassan iyo PMka horey isku yaqaaneen hadana gurigiisuu ku booqdey markii uu tacsida ugaaskii hore u yimid

Way is afgarteen, gabdhaan oo uu dhalay geedi santuur gudoomiyihii taariikhiga ahaa ee jowhar buu ka dhigay madaxa qaybta maamulada hiiraan iyo shabeelada dhexe ee xafiiska raysul wasaaraha

http://www.hiiraan.com/op4/2013/nov/522 ... aders.aspx


Ugaas hassan maadama uu beeshiisa meel dhigay wuxuu all aruuriyay ugaasyo aan gobolka joogin oon awood beelahooda ku lahayn waxayna u doorteen gudoomiyahooda

Hada al baabka hiiraan waa xiranyahay hal gudoomiye oo dhab ah baa marjic u ah

I like when he says don't ask what will be next after this meeting!

Since culusoow last visit he was trying to prevent hiiraan from meeting with the IC who ignored his jowhar seminar

There was information about the UN envoy visiting beledweyne...anyways he sent now some of his staff to see what is going on

First informations says that they supported a local reconciliation conference taking place in the tow


HOME
ARIMAHA BULSHADA
CAYAARAHA
WARARKA
Ugaas Xassan iyo Dubaabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Saraakiil ka Tirsan UN-ka
Mar 15, 2016 - jawaab


Ugaas Xassan ugaas khaalif oo horkacaya dubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaataySaraakiil ka socday xafiiska QM ee Soomaaliya oo uu Hoggaaminayay wakiil ka soday Danjiraha QM ee Somalia

Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee deegaanka Ceel-jaale oo ku yaalla dulleedka Beledweyne, ayaa waxaa ka qeyb-galay duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo kala hadlay saraakiishii Qaramada Midoobay aragtidooda ku aadan siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan,

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa intaas ku darray in si wadajir ah ugu sheegeen saraakiishii ay la kulmeen in marka hore kulan dib-u-hishiisiin ah loo qabto bulshada ku nool Gobolka, madaama muddo dheer bulshadu aysan fursad u helin inay arrimaha dhaxdooda ah kawada hadlaan.

”Maamul waxaa la dhisi karaa marka bulshadu is-ogoshahay, sidaas darteedna saraakiisha QM waxaan ka dalbannay – in marka hore kulan dib-u-hishiisiin ah loo qabto beelaha ayna kawada hadlaan arrimaha dhax-dooda ah, waqtigii la doono ayuuna kulanku qaadan karaa, markaa kaddib ayaa laga wadahadli karaa dhisme maamul, inta ka horreysana wax jiri kara ma lahan,” ayuu yiri Ugaas Xasan oo hadalkiisa ku daray in mowqifka iyo rabitanka ay hor dhigeen saraakiisha QM uu ahaa midkaas.

Ugaas Xasan Ugaas khaalif ayaa sheegay in marka maamul la dhisayo loo baahan yahay in tallada lagu soo celiyo gacmaha bulshada sameynaya maamulka.

”Marka la leeyahay 4.5, dabcan waxa laga hadlayo waa qabiil, bulshada ayaana laga rabaa inay go’aannadooda gaaraan ee ma aha in go’aanka loo gaaro. Sidaa daraadeed waa in loo ogolaadaa dadka inay wada-hadlaan, fursadna isku helaan, isna cafiyaan, dib-u-hishiisiin laga dhax-abuuro, markaas kaddib ayaa laga hadli karaa dowladnimo iyo maamul,” ayuu hadalkiisa ku daray Ugaas Xasan Ugaas.

Sidoo kale, Ugaaska ayaa xusay in shirka labada dhinac – duubabka dhaqanka iyo xubnaha QM uu kusoo dhammaaday is-faham, madaama ujeeddada kulanka laga lahaa oo kaliya ay ahayd in saraakiisha QM ay dhageystaan dareenka bulshada ay wakiilka ka yihiin dubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

kulankan ayaa imaanaya xilli khilaaf uu ka tagan yahay qorshaha dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan & Shabeellada dhexe, kaddib markii ay dhawaan si wadajir ah u qaadaceen shirka Jowhar duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Magaalada Baladweyne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalintii saddexaad ku sugan wasiirka ariimaha gudaha iyo Federaalka kaaso ku howlan sidii xal looga gaari laha muranka siyaasadeed ee tagan shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe inkaso ilaa hadda aysan jirin cid u wasiirka uu la kulmay"

Image
Image

https://youtu.be/E4WRhO_1PCc
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: UN delegation meets with the strong man of hiiraan!

Post by sahal80 »

Goodax oo faahfaahin kabixiyay kulankii ugaaska iyo wafdiga UN ka

Waraysi kale oo tv ka qaadeyy wuxuu sheegay in $5tii million oo shirka loogu tala galay jowhar lagu cuni rabo mudo lixdan maalin ah hiiraan aan waxba kaga soo aadin!

Lagacataas waxaa LAGULA XISAABTAMAA UNDPda!

Wuxuu sheegay IN khiyaanadii cadaado ay ku barteen aysan is socon doonin halkan

In gartu ayka go;do odayaasha oon loo kala dhaaxay doonin ayaga iyo xafiiska culusoow!!

Wuxuu ku tilmaamay siyaarada odowaa mid aan qorshaysneen oo halmar meesha iska soo dhacay kkkkk


http://saadaalnews.net/?p=101483
http://www.hiiraan.com/news/2016/Mar/wa ... -95188.htm
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”