President Galaydh returns to Buuhoodle amidst protests
Posted: Tue Mar 14, 2017 1:10 am
Largest online Somali community!
http://www.somalinet.com/forums/
Madaxweynaha Khaatumo oo Buuhoodle tagay iyo rabshado halkaa ka bilaawday:
Mar 13, 2017 -
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa tegey magaalada Buuhoodle iyada oo uu weli taagan yahay ismaandhaaf ku wajahan imaashihiisa.
Madaxweyne Galaydh oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golayaashiisa ayaa xili la sheegay in uu ka horeeyey salaadii subax ee saaka, iyadoo aan la ogayn safarkiisan oo ahaa mid aan la ogayn.
Banaan bax ayaa ka bilaabmay wadada uu ku yaalo Hotelka uu ku degey kaas oo ku yaala faras magaalaha Buuhoodle, kaas oo ay ka dhasheen rabshado kadib markii ay banaanbaxayaasha rasaas ku kala kexeeyeen ilaalada Hotelka sida uu noo sheegay Weriye Cali Cismaan “Cali Dhegjar” oo halkaasi goobjoog ahaa.
“Waxaa isugu yimi dad diidan imaanshaha madaxweynaha Khaatumo afaafka Hotel Cabdi-Gurey, waxay gubeen Taayiro waxaanay ku qaylinayeen hadalo ku lid ah, xaaladuna way ahayd mid caadi ah ka hor itaanay soo bixin ciidan illaalinayey hotelka oo rasaas adeegsadey” ayuu yiri Cali Dhegjar. isgsagoo intaas raaciyey in uu arkay qof dhaawac ah dadkuna sheegayeen dad kale oo wax soo gaadheen.
Xaalada Hotelka uu degan yahay madaxweyne Cali Khaliif ayaa hada degan, waxaase kacsan magaalada oo laga cabsi qabo inay rabshado ka dhashaan sida ay sheegayaan dad badan oo Hiiraan xidhiidh kula samaysay sidii xogdheer looga heli lahaa.
Madaxweyne Galaydh iyo weftigiisa ayaan wax hadal ahi ka soo bixin, waxaana la sheegaya in Galaydh uu diyaarad rabo inuu ka raaco Buuhoodle oo horey loogu diidey in uu ka dhoofo, taas oo gayeysiisey inuu magaalada Hargeysa diyaar uga raaco Jabuuti, halka uu haatan doonayo wadanka Imaaradka Carabta.
Safarka Madaxweyne Galayr ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo gudi maamulka Khaatumo lahaa oo loogu yeedhi G11 kuwaas oo ka soo horjeestey wadahadalada uu la bilaabay maamulka Somaliland, waxana la sheegayaa in ay qorshayaal kale u soo bandhigi doonaan si uu uga laabto qorshihiisa wadahadal.
xigasho: Holhol online
Galayr iyo xaglatoosiye came to Buuhoodle , where is the bullet ?weydamal wrote: Tue Mar 14, 2017 1:49 am President Farmaajo is also welcome to visit his homeland. The Lions of Buuhoodle will welcome their son Farmaajo with open arms, while Siilmaanyo will receive a bullet in the but if he dares come near the blessed city.
Galayr will come to buhoodle because wacays Aden give him a pass the crew that welcomes xaglatoosiya are reer hagar the so called PL in buhoodle from 2014 to now are reer hagarFBISOMALIA wrote: Tue Mar 14, 2017 1:55 amGalayr iyo xaglatoosiye came to Buuhoodle , where is the bullet ?weydamal wrote: Tue Mar 14, 2017 1:49 am President Farmaajo is also welcome to visit his homeland. The Lions of Buuhoodle will welcome their son Farmaajo with open arms, while Siilmaanyo will receive a bullet in the but if he dares come near the blessed city.