




Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa Galmudug ka codsaday soo wareejinta Dadkii ka danbeeyay labo qof oo lagu dilay Duleedka Gaalkacyo..
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug aadan Nuur Qaal oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay dadka la dilay isagoo ka codsaday Galmudug soo wareejinta dadka ka danbeeyay.
Taliyaha kama hadlin Dadkii ka danbeeyay dilal loo geestay Dad kale oo shacab ah kuwaasi oo kasoo jeeda Dhanka Galmudug iyo soo wareejinta dadkii ka danbeeyay dilalkaasi.
Aadan waxa uu sheegay in Galmudug ka sugayaan Jawaab si loo ilaaliyo nabada Gobolka Mudug ee labada dhinac.
Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya iyadoo xiisad xoogan ay k jirto miiga Gobolka Mudug taasi oo sababtay dhimashada dad xoolo dhaqato ah.
Dhanka kale madaxda Galmudug ee Gobolka Mudug ayanan wali arintaan ka hadlin iyagoo ka aamusay falalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka.