Breaking :Farmaajo Government finally talks about Qalbidhagax

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

cheifaqilbari
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1927
Joined: Wed Jul 22, 2015 11:21 pm

Breaking :Farmaajo Government finally talks about Qalbidhagax

Post by cheifaqilbari »

Farmaajo gov says qalbi dhagax is terrorist ogadenethiiopins not somalis breaking news


Dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay Qalbi-Dhagax xubin Argagixiso oo khatar ku ahaa amniga dalka




Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) – Kaddib kulan saacado badan qaatay oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax ahaa xubin Argagixiso oo khatar ku ahaa amniga dalka.

Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo markii uu kulan soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku saxneyd ku wareejinta Itoobiya Qalbi-Dhagax, madaama ayuu yiri uu qatar ku ahaa amniga Soomaaliya iyo kan qaarada intaba.

Wasiirka Yariisoow, ayaa sidoo kale sheegay in u gacan-galinta Itoobiya shaqsigan ka tirsnaa Ururka ONLF uu qeyb ka ahaa heshiis ay horay u gaareen dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Maxamuud iyo Itoobiya , isaga oo intaa ku darray in heshiiskaa uu dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiixay Mahad Salaad oo waqtigaa ahaa wasiiru-dowlaha madaxtooyada.

Sidoo kale shirkii gollaha wasiirada ee maanta ayaa la horkeenay heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Ethiopia oo dhigayay in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Ugu danbeyntii goolaha wasiirada ayaa isku raacay qodobada :

1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad ka dhigtaan.

2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.

4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan “In cadowga labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ahna ula dagaalamaan”.

5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.

6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.

7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada Sharci ee dalka.
cheifaqilbari
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1927
Joined: Wed Jul 22, 2015 11:21 pm

Re: Breaking :Farmaajo Government finally talks about Qalbidhagax

Post by cheifaqilbari »

Yariisow talking about ONLF sold to ethiopia look at the comment section people are very angry .


User avatar
Publicopinion
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 967
Joined: Mon Jun 12, 2017 4:29 pm

Re: Breaking :Farmaajo Government finally talks about Qalbidhagax

Post by Publicopinion »

Engr.yarisow is abgaal,i support his views 100%.now,finally,we can lay the case of qalbiwhatishisname to rest and focus on fighting alshabab terror and famine.
User avatar
Publicopinion
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 967
Joined: Mon Jun 12, 2017 4:29 pm

Re: Breaking :Farmaajo Government finally talks about Qalbidhagax

Post by Publicopinion »

the gov is correct in closing this chapter of this qalbidameer guy.hopefully,more extraditions should follow.
say no to terror.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Breaking :Farmaajo Government finally talks about Qalbidhagax

Post by FBISOMALIA »

Still why now , why not in 2016 ?
Canuck2
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3180
Joined: Tue Apr 04, 2017 6:11 pm

Re: Breaking :Farmaajo Government finally talks about Qalbidhagax

Post by Canuck2 »

Publicopinion wrote: Wed Sep 06, 2017 1:47 pm the gov is correct in closing this chapter of this qalbidameer guy.hopefully,more extraditions should follow.
say no to terror.



the whole case is trap. The Ethiopians knew qalbi dhagax's location for time, surprise he lived in Mogadishu for 3 years(the Amisom troops' 'S base). An Ogaden freedom fighter hiding from Ethiopians in Mogadishu!!!!! A city that he is not native to it, recovering from tribal civil war. The guy is traveling free from one city to other by planes. This is Somalia where everyone knows the other, same people lived in neighbourhood for 20 years. Get real. And what is this suddenly love for ONLF for past years PL , SL, and GM were sending them to Ethiopia!!!!even the Ogaden people themselves don't buy your outrage. The JL, NFD (where majority of Ogaden live) didn't say anything. Simply they can see clearly the fake outrage.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”