FacebookTwitterGoogle+Del

Maqaal: Nasab kaamila Sheikha sharif intaas Bay garan waayeen oo la quuri la yahay hala arko xaqiiqda reer muqdisha ha yeelinina…… M/weyne hore ee Somalia Shariif Sh Axmed ee baaq kal Gacal u direy ’Reer Muqdisho yirina, ayaan cadow lay idinkaga dhigin Garoowe & Boosaaso, Gaalkacyo, Halka Cadaado & Jowhar iyo Baydhabo aana laga gurman’’
MUQDISHO (P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee dawladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed Cabdiweli ayaa si aad ah uga falceliyey Oraahyo saacadihii ugu dambeeyey laysku mariyey baraha bulshada, gaar ahaana Facebook-ga, taas oo ku saabsaneyd gurmadka ay dawladda Puntland u dirtay magaalada Muqdisho, gaar ahaana dadkii ku geeriyooday weerarkii Zoobe.
Madaxweyne Shariif Axmed ayaa u sheegay Shacabka Muqdisho in la gaaray waqtigii ay kala garan lahaayeen cadowgooda iyo walaalkooda rasmiga ah, wuxuuna tusaale u soo qaatay dadka dhaha ERAYGA UNUKAA LEH MUQDISHO.
Mr, Shariif ayaa sheegay in aan laga gurmin deegaanada HIRSHABEELLE & GALMUDUG, Baydhabo iyo Kismanyo, balse laga soo gurmaday Boosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo dhulka Puntland oo dhan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaalidu ay mid tahay reer Muqdishana abaal-weyn ay ku leeyihiin Shacabka iyo dawladda Puntland, wuxuu is weydiiyey sababta Baladweyne oo ah magaalada ugu dhaqaalaha badan koonfurta looga aruurin waayay gurmad dhaqaale.
Shariif ayaa tilmaamay in Muqdisho u baahan tahay in mar labaad ay kala baato Soomaalida, wuxuuna sheegay in cidda gargaarka u fidisay ay tahay Shacabka iyo dawladda Puntland oo ay abaalweyn ugu hayaan Shacabka Muqdisho.
Maalmihii ugu dambeeyey baraha bulshada ayaa aad looga hadal-hayey Oraahda Dawladda Puntland oo lagu qoray deeq dawo ah oo ay Puntland u dirtay magaalada Muqdisho, taas oo ay dadka qaarkood ujeedooyin siyaasadeed ka lahaayeen.
xigasho:
