The resignation of gaashaandhiga minister and the army commander and the firing of the police and NISA commanders is a complete failure that needs a whole new strategy wich is change in the leadership
However the minority govt of xamar is trying to find a way for survival for more than a year. More cracks have emerged in its securuty clan structure with the firing of sanbalolshe though he was never reresenting his hawadle clan but they were trying to give him such an impression along with the murursade commander of melitiada 'xasilinta'
Maybe they r looking for some HG affiliated commanders like bashir goobe or a HG like ereg or pro ethiopians but HG cannot have migration(though the real boss is ina shaawey" and NISA together that why the scenario of some affiliated guy
NISA is mainly a HAG post bc it deals mostly with xamar while police is a federal post so i dont think there will be a change in their qabiil structure unless they want to declare a civil war.
Axmed Fiqi: Xil qaadistii Sanbaloolshe waxa ay fursad u tahay Al-Shabab (Dhageyso sababta)
October 29, 2017
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay waxa ay ka dhigan tahay xil ka qaadistii lagu sameeyey Taliyayaasha Booliska iyo Nabadsugidda iyo haddii ay dowladda sameysay tallaabadii ku habooneyd Weeraradii Muqdisho ka dhacay labadii Asbuuc ee ugu dambeysay.
Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyey Idaacadda VOA qeybta afka Soomaaliga ku hadasho ayaa rajo xumo ka muujiyey xil ka qaadistii lagu sameeyey Sanbaloolshe, Taliyihii Booliska iyo Midkii Militariga ee dhawaan isna is casilay.
” Xil ka qaadistaan horta wax cusub maahan,waa wax iska tixane ah oo soo jiray sanawaadkii ugu dambeeyey Ciidanka u yar 6-7 taliye ayey soo mareen, mar walba oo fashil dhinaca amniga ah dhaco, Madaxda Meesha joogto waxa ay jecel yihiin si indhaha bulshada loo ceeb asturo iyo iswaydiintii loo soo afjaro, oo isla xisaabtan dhab ah aan loo helin meesha cudurku jiro waxay isku furtaan xil ka qaadis lagu sameeyo taliyayaasha oo iyaguba laga yaabo inay nafta ka dhacday sidii ay shaqada amniga ugu dadaalayeen, wax weyn maaha, mana daaweeneyso dhibaatada taaagan ” ayuu yiri Fiqi oo la hadlay VOA.
Axmed Macalin ayaa sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyey Sanbaloolshe ay jaanis fiican u tahay Al-Shabaab, maadaama uu ku sheegay inuu ahaa nin shaqadiisa ka adag isla markaasna Al-Shabaab dhibaato badan ka hor taagnaa, wuxuuna xusay inaan weli si rasmi ah loo caddeyn sababtii xilka looga qaaday Taliyihii Militariga, Midkii Booliska iyo Taliyaha Nabadsugidda.
Wuxuu si gaar ah u sheegay inay dowladda aheyd inay sheegto haddii si shakhsiyan ah ay taliyaasha xilka laga qaaday ay iyaga Mas’uul ka ahaayeen Fashilka amniga iyo haddii loo dhameystiray saanadiii ciidamada u baahnaayeen.
Wuxuu tilmaamay in Taliyaha Booliska, Midka MIlitariga iyo Midka Nabadsugidda ay Shan bil xilkaan hayeen isla markaasna ay ahaayeen kuwa horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii hore oo heysto Khibrad ku fillan, wuxuuna shaki geliyey sida ay Taliyaasha cusub ee la magacaabayo ula qabsan lahaayeen Shaqadooda, uuna aamisan yahay in si gaar ah uu Sanbaloolshe shaqadiisa uga adkaa, isla markaasna lagu fududaaday xil ka qaadistii lagu sameeyey.
Fiqi ayaa xusay in taliyaaysha cusub ay u baahan yihiin ugu yaraan 5 bil inay shaqadooda la qabsadaan, isagoo arrintaas ku tilmaamay inay tahay fursad kale oo la siiyey Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in Dhibaatada amni aysan ka jirin Taliyayaasha Ciidamada balse ay tahay arrin istaraatijiyada sare ka qaldan oo loo baahan yahay in halkaas laga saxo.
Ugu Dambeyntii Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in tallaabadii ay dowladda xilka uga qaaday Taliyaashaan aysan aheyn wax laga filaayey ayna ka hooseeso jawaabta wixii ka dhacay Jidka Makka Al-Mukarama.
Haddaba halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Fiqi oo dhameystiran:
https://www.google.co.uk/amp/s/bc.marfe ... o-sababta/
Ex-intelligence chief: security will get worse
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 369 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 1 Replies
- 305 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 21 Replies
- 2001 Views
-
Last post by SomaliRoyaL
-
- 0 Replies
- 469 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 5 Replies
- 934 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 8 Replies
- 969 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 13 Replies
- 1574 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 6 Replies
- 849 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 2 Replies
- 542 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 33 Replies
- 2338 Views
-
Last post by COSTA