Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif oo si adag kaga hadlay dagaalada ka socdo Galmudug iyo Hirshabeelle

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif oo si adag kaga hadlay dagaalada ka socdo Galmudug iyo Hirshabeelle

Post by bashe19 »

Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif oo si adag kaga hadlay dagaalada ka socdo Galmudug iyo Hirshabeelle



Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa si adag kaga hadlay xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaasi oo u dhaxeeya maleeshiyaad wada daga Xeraale iyo degmada Cadale.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayuu wuxuu kaga hadlay dagaalada ka dhacay deegaanada ka tirsan Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu dalbaday in si dhaqso ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka dhacaya goboladaasi.

Sidoo kale Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle inay xil iska saaraan dagaaladaasi sidii loo joojin lahaa.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda Galmudug, madaxda Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan waajibkooda ah badbaadada iyo ilaalinta badqabka shacabka meel kasta oo ay joogaanba” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.



Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu baaq u diray dadka dagaalamaya.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee u dhaxeeya”ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Dagaalada labada maleeshiyaad u dhaxeeya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.
Nubis
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3844
Joined: Mon Dec 14, 2015 7:40 am

Re: Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif oo si adag kaga hadlay dagaalada ka socdo Galmudug iyo Hirshabeelle

Post by Nubis »

Informative.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”