Oh, and another major L. The Emir of the Mucaarad Deni who leads the mucaarad was embarrassingly told to seek help from the FGS finance ministry after he tried to bypass the FGS. They responded to his inquiry and CC’d Minister Beyle!
https://www.hiiraan.com/2020/images/Jun ... 806165.jpg
Madaxweynaha Puntland oo ku hungoobay kaalmo dhaqaale oo uu weydiistay bangiga horumarinta Afrika
Sabti, Juun 06, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid C / llaahi Deni oo kaalmo lacageed ka codsaday Bangiga Horumarinta Afrika, si looga jawaabo daadadkii Qardho ayaa laga diiday codsigaas ka dib markii Bankigu xusuusiyay hoggaamiyaha Puntland in uu soo maro Dowladda Federaalka.
Warqad ku taariikhaysan 3-da June oo nuqul kamid ah uu helay HOL, ayaa xafiiska Bangiga oo ku yaal Nairobi, wuxuu madaxweyne Deni u sheegay in aysan jirin lacag u hadhsan xaaladaha degdegga ah.
Sida warqadda ku xusan, Deni wuxuu codsaday lacagtaas markay taariikhdu ahayd 7-da Maajo oo ah toddobaad kadib markii Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday $ 1 milyan oo lagu taageerayo dhibanayaasha fatahaadda Qardho.
"Bangigu wuxuu helay dhaqaale kooban oo xaddidan si loogu taageero 13 dal oo kuyaal bariga Afrika, si looga caawiyo xakameynta Ayaxa geeska Afrika iyo 'Covid-19',” ayaa lagu yidhi qoraalka bangiga.
"Si kastaba ha noqotee, waa muhiim in la muujiyo in Bangigu uu sida caadiga ah
dhammaan barnaamijyada xaaladaha degdegga ah ama barnaamijyada horumarinta ay maraan janaalo loo marayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (FGS)," ayay tidhi Nenna Nwabufo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Afrika .
"Sidaa darteed, waxaan kugula talineynaa inaad kala hadashid baahiyahaan Wasiiradda Maaliyadda iyo Qorsheynta ee dowladda federalka Soomaaliya si markaas ay uga fiirsadaan suurtagalnimada inay gacan ka geysato sidii loo caawin lahaa Dawladda Puntland si loogu maareeyo dhibaatada daadadka mashaariicda socda ee Bankiga," Nwabufo ayaa sidaas mar kale tidhi.