Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28303
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by Murax »

People who tried to deny the Government existed after Feb 19, had to be taught a lesson. To think Deni had the audacity to call for his job. Odowaa is Somalia’s future, and your day’s are numbered. Odowaa :myman:

Wareysi: Odowaa oo markii ugu horreysay ka hadlay ciidankii loo adeegsaday weerarkii 19-ka Febraayo
Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan
April 5, 2021
in Warar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdadii 19-Febraayo ee ciidamada dowladda ku rasaaseyeen banaan-baxayaal ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore.

Jeneral Odowaa oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacada VOA-da ayaa ugu horeyntii ku dooday ‘in dhacdooyinkii 19-kii Febraayo ay ahaayeen waajib lagu muujinayey dowladnimada dalka ka jirta’.

Odowaa oo u muuqda mid ka gaabsanaya ka warbixinta dhacdooyinkaas ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada qaranka uu waajib ka saaran yahay ka hortaga falkasta oo wiiqaya nabad-gelyada iyo jiritaanka dowladnimada.

“19-kii Febraayo waxaa dhacay, dad kamid ah ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo darajooyinka ugu sarreeya leh ayaa magaalada Muqdisho qeybo kamid ah intay tageen ayey ka cadeeyay inay ayaga la wareegeen oo wax dowladd ah aysan jirin. Waajib ayaa naga saaran xubin kasta ee ciidanka xooga oo ku kacda wax baal-marsan sharciga iyo nidaamka u yaala dalka,” ayuu yiri.

“Waa mas’uuliyad na-saaran in tallaabo ka qaadno cidkasta oo baalmarta sharciga iyo waxkasta oo qal-qal galinaya amniga dalka.”

Jeneraal Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed aysan ku dhex milmin siyaasada, balse ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan tallaabo kasta oo horseedi karta amni darro, sida uu ku dooday.

Hadalkaan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe ay mas’uuliyiinta mucaaridka ku eedeynayeen madaxda waqtigooda dhamaaday inay dano siyaasadeed oo gaar ah u adeegsanayaan ciidamada dowladda, islamarkaana ay ka qeyb-qaateen tallaabooyin ka dhan ah mucaaridka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu dhawaan shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

“Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo.”
User avatar
AbkoowDhiblaawe
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14237
Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
Location: chilling in Liido beach

Re: Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by AbkoowDhiblaawe »

Reporter: habeenkaas ciidamo ayaa taalada daljirka daahsoon la geeyay idinka idinka socday Nin janan(indhacadde) baa hadley oo yiri dalka dowladd kama jirto.Waa dareemi kartaa nin dowladnimada wax ka yaqaan oo dalka madax ka kaso noqday baa tahay, madaxtooyada Somalia meel uu muuqata intuu nin so istaago yiraahdo dalka dowladd kama jirto mudane wax sax ma aheyd?

Hassan sheikh Mohamud: ninkii sow lama yaqaan? Adiga sow ma taqaanid? Farmaajona waa yaqaan. Gurigiisa uu jiifaaye maxaa inta lo tago lo xiri waayey? Xassan sheikh iyo Sheikh Shariif oo hotel Maa'ida joogay ma warka dhahay? Maxaa laga soo doonay? Indhacadde dembi haduu galay asiga intaa laso xiro la katiinadeyo ayeey aheyd, maxaa anaga nalaga so doonay?

@17:50

Hassan sheikh Mohamud waa hadal yaqaan. KO response. I doubt CBB and Odawaa himself can answer this.
Sbashi
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1097
Joined: Tue Sep 08, 2020 5:05 am

Re: Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by Sbashi »

AbkoowDhiblaawe wrote: Tue Apr 06, 2021 2:55 am Reporter: habeenkaas ciidamo ayaa taalada daljirka daahsoon la geeyay idinka idinka socday Nin janan(indhacadde) baa hadley oo yiri dalka dowladd kama jirto.Waa dareemi kartaa nin dowladnimada wax ka yaqaan oo dalka madax ka kaso noqday baa tahay, madaxtooyada Somalia meel uu muuqata intuu nin so istaago yiraahdo dalka dowladd kama jirto mudane wax sax ma aheyd?

Hassan sheikh Mohamud: ninkii sow lama yaqaan? Adiga sow ma taqaanid? Farmaajona waa yaqaan. Gurigiisa uu jiifaaye maxaa inta lo tago lo xiri waayey? Xassan sheikh iyo Sheikh Shariif oo hotel Maa'ida joogay ma warka dhahay? Maxaa laga soo doonay? Indhacadde dembi haduu galay asiga intaa laso xiro la katiinadeyo ayeey aheyd, maxaa anaga nalaga so doonay?

@17:50

Hassan sheikh Mohamud waa hadal yaqaan. KO response. I doubt CBB and Odawaa himself can answer this.
Who gave indhacade that job? Indhacade is not acting for his personal gains. He is the chief of security for MM he was hired by them. He captured places so he can 'secure' the safety of MM. The militias that were 'protesting' were part of indhacade's army. If not all, many of them. It's too late for HSM to distance himself.
User avatar
ReturnOfMariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7771
Joined: Tue Apr 14, 2015 8:14 pm

Re: Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by ReturnOfMariixmaan »

He prevented a UAE sponsored coup like in Cairo from happening in Mogadishu. Well done to the general
User avatar
paperino
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4028
Joined: Fri Mar 10, 2017 4:10 pm

Re: Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by paperino »

ReturnOfMariixmaan wrote: Tue Apr 06, 2021 11:08 am He prevented a UAE sponsored coup like in Cairo from happening in Mogadishu. Well done to the general
Turkish intelligence must have alerted the SFG. It's good that Turkey and other countries are allies, otherwise the SFG wouldn't have lasted.
User avatar
ReturnOfMariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7771
Joined: Tue Apr 14, 2015 8:14 pm

Re: Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by ReturnOfMariixmaan »

paperino wrote: Tue Apr 06, 2021 11:23 am
ReturnOfMariixmaan wrote: Tue Apr 06, 2021 11:08 am He prevented a UAE sponsored coup like in Cairo from happening in Mogadishu. Well done to the general
Turkish intelligence must have alerted the SFG. It's good that Turkey and other countries are allies, otherwise the SFG wouldn't have lasted.
Exactly :up:
Nubis
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3844
Joined: Mon Dec 14, 2015 7:40 am

Re: Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by Nubis »

:up:
DaahirMursal
Posts: 206
Joined: Tue Apr 06, 2021 12:36 pm

Re: Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by DaahirMursal »

Not usually a fan of the SNA, but hands down to them, they performed quite well that day. :up: :wow:
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Geesiga Gen Odowaa Xafidahullah Commander Somali Armed Forces: Feb 19, Was Necessary

Post by original dervish »

You can be against the government and still welcome Turkish involvement in Somali politics.

The Saudis/Emirates have brought nothing to Somalia except division and turmoil.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”