
Waxaa laa xaqiijisay in Janaraal Saadaq Joon uu ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Saadaq Joon waxaa la jooga ciidan iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, kuwaas oo u go’ay xagiisa. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in uu heesto ciidan ku filan iyo gaadiid dagaal islamarkaana aysan jirin cid isku dayday qalqal gelinta amnigiisa.
Saraakiil ciidan oo ka agdhow Saadaq Joon iyo siyaasiin kale oo ehelkiisa ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Janaraal Saadaq uu dastuurka u ogolyahay in uu kamid noqdo siyaasiinta islamarkaana saraakiisha ciidanka haddii ay mar gaaraan darajooyin sare ay siyaasadda ku biiri karaan.
https://www.caasimada.net/xog-xagee-ku- ... adaq-joon/
General Saadaq Joon Oo Taleefoonka kula hadlay Farxaan Qaroole,
Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in General Saadaq Joon iyo Farxaan Qaroole ay Taleefoonka kuwada hadleen maanta wax arbushaad ah dhexdoodana jirin lakin heshiis iyo afgarad.