New map of Al Shabaab-Free Hiiraan

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

New map of Al Shabaab-Free Hiiraan

Post by sahal80 »

200 km liberated there is no single Al shabaab in this map. Hiiraan waxay noqonee gobolka ugu horeeya koonfurta oo Amisom laga saaro.

Si aan ugu iftiiminno dadka Soomaalida ee daneynaya baaxadda dhulka argagixisada laga nadiifiyay gobolka Hiiraan, waxa aan isku dayay in aan intii karaankey ah in aan muujiyo degaannada sida dhameystiran argagixisada looga daahiriyay.

Laba bil ka hor dhulkaan waxa ay ciidanka dowladdu ku go'doonsanaayeen shanta degmo ee waaweyn; Beledweyne, Buuloburte, Jalalaqsi, Maxaas, iyo Matabaan. Marka laga reebo Matabaan oo ay argagixisadu laba jeer gudaha u gashay, afarta kale waxaa joogay ciidanka ATMIS sida calamada ka muuqata. Halgan ayadana waxaa xero ku leh ciidanka ATMIS-Itoobbiya oo kaligood ku go'doonsanaa. Maanta dhammaan degaannada aan calanka Soomaaliya 🇸🇴 saaray waxaa jooga CXDS iyo ciidanka degaanka Macawisley.

Degmada Matabaan oo dagaalka laga soo billaabay iyo degaanka Tardo oo shalay lagu waaberiistay waxa ay isu jiraan 200km oo xarriiq toosan ah, jid ahaan se 250–300km ayay isu jiraan. Tardo waxaa koonfur ka sii xiga Xalfooley, Qoryaale, iyo degaanno kale oo ciidanka dowladda iyo ciidanka degaanka ee Macawisley maanta gaareen. Cabbirkaasi waa dhererka dhulka la xoreeyay. Ballac ahaan, Booco iyo Ceeley waxa ay isu jiraan 100km oo xarriiq toosan ah.

Dhammaan dhulkaas waa la nadiifiyay oo gudihiisa nafar argagixiso ah ma joogo, maanta in lagu safro wax baqdin ah lagama qabo marka laga reebo miinooyinka ay argagixisadu jidadka geliyeen oo aan weli miinobaar dhameystiran jidadka oo dhan lagu sameyn.

F.G. Farsamada oo igu xun darteed sawirka waxaa ka maqan degaanno dhaca waqooyiga iyo Koonfurta Hiiraan oo ay ka mid yihiin degmooyinka Matabaan, Jalalaqsi, iyo degaanno kale oo muhiim ah sida Qabno, Beergadiid, Jiracle, iyo Takaraale oo dhanka waqooyiga ah, iyo Ceelciid Qoryaale, Xalfooley, iyo degaanno kale oo koonfur ah.
https://m.facebook.com/story.php?story_ ... 4829357946
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”