BAGA O BAGA EMARAT SHOULD GET OUT OF SOMALIA

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

BAGA O BAGA EMARAT SHOULD GET OUT OF SOMALIA

Post by bashe19 »

Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay gaabis shaqo

 


Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka ay soo saareen masuuliyiintaan ayaa waxay kaga hadleen arrimo badan oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin in laga gaabiyay dagaalka ka dhanka ahaa Al-shabaab iyo in xadgudubka damaca Itoobiya siyaasada lagu wajahay aysan aheyn midii mudneyd.

Warsaxafadeedka ayaa sido kale lagu sheegay in madaxweynaha uu kaligiis isku soo koobay howlahii dalka, sida dhaqaalaha, siyaasadda, diblumaasiyada iyo dhinaca Bulshada, islamarkaana dalka uusan wali laheyn Wasaraddahii muhiimka ahee ee arrimaha dibada iyo Amniga.

Qodobada masuuliyiintaan ay walaaca ka mujjiyeen ayaa waxaa ka mid ah wax ka badalka Dastuurka oo ay sheegeen iney horseedayso midnimada oo kala dhantaalanta, daganaansho la’aan siyaasadeed oo maanta laga baaqsan karro.

:stylin:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”