Merciless Foreign Marine Looters Massacared 4 Somali Fishers
Posted: Sat Dec 17, 2005 1:25 pm
BOOSAASO : 4 Kalluumaysato ah oo ku geeriyooday Xeebta Baargaal kadib markii uu Markab Dusha ka maray doonidii ay saarnaayeen
Posted to the Web Dec 16, 15:59
Baargaal:-Xeebta Degmada Baargaal ee gobolka Bari , ayaa waxaa ku geeriyooday 4 ka mid ah Kalluumaystada yaryar ee deegaankaasi , kadib markii uu Markab aad u wayn oo ah kuwa kalluumaysigu uu dusha ka maray doonidii ay saarnaayeen.
Sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Baargaal C/nuur Galayr , 4 taan Nin ee shilkaasi ku geeriyootay oo 2 ka mid ah ay walaalo yihiin waxay kala yihiin magacyadoodu:-
Cali Cismaan Guul
Axmed Cismaan Guul
Abshir Faqalle Xaaji
Bulxan Faqalle Xaaji.
Inta badan , Maraakiibta Kalluumaysiga ee shisheeye ee ka kalluumaysta Xeebaha Puntland , ayay waxay dhibaatooyin lixaad leh u gaystyaan Kalluumaysatada yaryar ee ka shaqaysta Xeebaha gobolka.
Waxayna ka jiraan , shabaagaha ay dhigtaan , mararka qaarkoodna waxay ku furaan biyo kulul kadib markii ay u soo dhawaadaan aaga ay wax ka jariifayaan.
Sidoo kale , waxaa jira dad badan oo Ka kalluumaysato ah , oo aan la garanayn meel ay ku dambeeyeen , waxaana la aaminsan yahay in ay qafaasheen maraakiibta shisheeye ee sida sharci-darada ah uga kalluumaysta Xeebaha Puntland iyo Guud ahaanba Soomaaliya.
Axmed C/salaam
Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya