Hargeisa ( somaliland future ) 24.12.2005, madaxweyne ku-xigeenka somaliland md. ahmed yuusuf yaasiin ahna ku sii simaha madaxweynaha jsl, ayaa wareegto uu soo saaray amar ku bixiyey inla qaado dagaal lagaga hortagayo, xaalufka iyo nabaad-guurka, si looga hortago halista ku soo fool leh deegaanka.
md. yaasiin, wareegtadaas waxa uu ku socodsiiyey wasaarada daakhiliga, ganacsiga iyo warshadaha, maaliyadda taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka.
waxa kale oo uu amar ku bixiyey in ciqaab adag la mariyo, gaadiidka lagu qabto dhuxul iyo caws loo dhoofinaayo dalka dibadiisa. wareegtadaas oo madaxweyne ku-xigeenku ku cayimay ciqaabta la marinaayo gaadiidka iyo dadka wata oo dhamaystiran waxa uu yidhi “ waxan idinla socodsinayaa inuu dalkeena soo food saaray xaaluf iyo nabaad-guur xad dhaaf ah, oo aan la qiyaasi karin, sanad mudo ka yarna isku rogi doona laba degaan, hadaan si dhakhso ah wax looga qaban, arrimahaaaluska iyo nabaad-guurka dhaliyana waxa ka mid ah:-
dhuxusha faraha badan ee dhirta qoyan laga soo shidaayo, dhulka banaan ee gaadiidiku maraayo ee aan loo miidaan deyeyn, dhulka isku rogaya boholaha, qoriga qoyan ee dhirta laga soo jaraayo ee loo iibgaynaayo magaalooyinka si wax loogu dhiso.
caleenta laga hoorinaayo dhirta sida wagarka, gobka, madheedhka iwm.
dhulka cagatta la gelinaayo ee waliba aan wax laga qabanayn inta la baneeyo, dhulka dhirtiisa la xidhanaayo si dhuxul looga shitoâ€Â.
hadaba, waxa dhamaan la faraya hay’adaha wareegtadani khusayso, inay si deg-deg ah wax uga qabtaan ugana hortagaan arrimaha kor ku xusan, si gaar ah waxa wasaarada horumarinta iyo deegaanka la farayaa, in ay xakameeyaan dhuxusha iyo cawska loo dhoofinayo dibedaha iyo dalka maamul goboleedka majeerteeniya, waa in lagu isticmaalo ganaaxyadan hoos ku qoran baabuurta sida kootarabaanka sida:-
1. ganaaxa kowaad 2.000.000 sl/sh
2. ganaaxa labaad 4.000.000 sl/sh
marka sadexaad gaadhiga iyo wuxuu sido oo lala wareego iyo darawalka oo la xidho mudo dheer.
sidaa darteed, waxaan mar labaad idinku boorinayaa in aad arrintaa xil balaadhan iska saartaan oo wareegtadan la dhaqan galiyo maalinta ay soo baxday, hubaal celinna soo siisaan xafiiskan.
Somaliland future online
hargeisa
Posted by SomaliLand Future on 12/24 at 08:40 AM (0) Comments •
News •
U guys wanted war
MADAXWEYNE KU-XIGEENKA JSL OO AMRAY IN DAGAAL LAGALA HORTAGO
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods, uk mods
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- fagash_killer
- SomaliNet Super

- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 515 Views
-
Last post by Bibaaye6828
-
- 0 Replies
- 312 Views
-
Last post by bashe19
-
- 0 Replies
- 367 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 8 Replies
- 599 Views
-
Last post by koohi
-
- 0 Replies
- 369 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 3 Replies
- 692 Views
-
Last post by MRnutritionist
-
- 1 Replies
- 580 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 37 Replies
- 2870 Views
-
Last post by FarhanYare

