JABHADA SNM OO UGA DIGTAY WADAADA SOMALILAND INAY ......
Posted: Sun Jun 18, 2006 2:22 pm
Jabhada SNM Oo Uga Digtay Wadaada Somaliland Inay U Hanqaltaagaan Muqdisho!!!!!
Warkii 18-Jun-2006 iyo Qormadii: C/raxmaan Ciise Maxamed (ilka case)
Wararka ka imaanaya magaalada burco ee casimada labaad ee maamulka Somaliland ahna xarunta gobolka togdheer ayaa sheegaya in Hogaamiyaasha Ugu tunka way ee jabhadii SNM Ay uga digeen wadaada Somaliland inay taageeraan ama ay isku dayaan inay kicyaan shacabwaynaha Somaliland ee xorta ah ..
Warkan oo uu xaqiijiyey wariyaha afnugaal.com ee burco C/raxmaan Ciise Maxamed (ilka case ) ayaa waxaa uu intaasi ku daray in uu Muranka jabhada iyo wadaada uu bilowday ka dib markii maxaakiimta islaamiga muqdisho ay qabsadeen gobolda Sh/dhexe iyo Hiiraan .isla markaana uu mudaba socday laakiin hada uun laga warhelay ..
Wadaada iyo shicibwaynaha gobolka todheer ayaa umuuqda kuwa uga dhow Somali wayn beelaha kale ee Somaliland marka laga eego dhinacyada afkaarta dadwaynaha , dhaqanka iyo waliba lacagta, sidoo kale wadadaa magaalada burco ayaa lagu tiriyaa inay xidhiidh dhow laleeyihiin wadada magaalada muqdisho ..
Magaalada burco ayaa ah meeshii ay ugu awooda badnayd jabhada ay somalida waqooyi ama Somaliland u taqaano jabhada xoraynta Jamhuuriya Somaliland ..
Dadwaynaha Somaliland ayaa la yaaban Digniinta ay hada jabhada SNM ay usoo jeedisay wadaada , iyadoo dowlada Somaliland ee hada talada wadanka haysaa aanay wax wara ka soosaarin , ..
Guud ahaan xaalada magaalada burco ayaa degan iyadoo la dareemayo xanshashaqa hadal haynta khilaafka cusub ee hada soo kala dhexgalay wadaada iyo jabhada SNM
C/raxmaan Ciise Maxamed (ilka case)
afnugaal.com, Burco