excetly some somali sites reported it 2 days ago
Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu arkay Deegaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan
Khamiis June 29, 2006(HOL): Qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Itoobiya kuna hubeysan ilaa 5 gawaarida dagaalka ah ayaa mar kale lagu arkay deegaanka Jawiil oo in yar 20km u jirta Magaalada B/weyn ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan.
Hiiraan Online oo indha-indheyn u tagtay Deegaanka Jawiil kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayay u suutagashay in ay aragto qaar ka mid ah ciidamadaas oo ay weheliyaan Maleeshiyo Soomaali ah oo sida la sheegay ka tirsan dadka deegaanka Jawiil oo iyagu si teel teel ah fariisimo uga sameystay daafaha Jidka laamiga ah.
Ciidamadan oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in ay gudaha u soo galaan Xaduuda Soomaaliya, gaar ahaan kan ay la wadaagaan Gobolka Hiiraan ayaa Foojignaan waxaa ay ku abuureen Ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan oo iyagu halkaas fariisimo ku lahaa.
Lama Oga in ciidamadu sii joogi doonaan Deegaanka Jawiil iyo in kale waxaana Xusida mudan in dhawaan war murtiyeed ka soo baxay wasaarada arrimaha Dibada ee Itoobiya lagu sheegay in Magaalada B/weyn ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan ay ka abuurmeen Kooxo Qatar ku ah nabadgalyada Xukuumada Itoobiya, taasoo dhanka kale ay ka jawaabeen Mas'uuliyiinta Maxkamada Islaamiga ee Gobolka Hiiraan oo iyagu sheegay in ay loo baahan yahay in la dhowro dirisnimada labada Qowmiyadood.
Dhawaan ayay shir jaraa'id oo ay qabteen qaar ka mid ah mas'uuliyiita maxkamada Gobolka Hiiraan waxaa ay dadka uga digeen khatar ku soo fool leh oo ay ku tilmaameen Dowlada Itoobiya oo Ra'iisal Wasaaraheedana uu dhawaan sheegay in dalkiisa ay khatar kaga imaaneyso kooxo Islaamiyiin ah oo Muqdisho ku sugan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com Beledweyn , Somalia