WARAABAHA HILIBKIISA IYO MARAQIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
W/Q: C/raxmaan Shariif MaxÂ’ed {Taysiir}
Magaalooyinka Qallaafe, Godey, Qabridaharre iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa waxaa ka soconaya ugaarsi baÂ’an oo lagu hayo Dhurwaaga, waxaana la kala siistaa lacag badan, iyadoo ay dadku isaga daweeyaan cuduro tiro badan, oo qaarkood ay halis yihiin.
Cabdi Xasan Xirsi oo Muqdisho aan kula kulanay, hase ahaatee, ka yimid Tuulo laba saacadood u jirta degmada Qalaafe oo lagu magacaabo Afduub ayaa ka warbixiyey cudurada ay dadku isaga daweeyaan Waraabaha, wuxuuna yiri, “Waxaa Waraabaha ku dawoobay, dad badan, oo qabay, cuduro ay ka mid yihiin, Qalaliyaha, Dabeysha, Dhiig karka, Kaadi Sokorowga, Tabaryarida Ragga, Dumaka dhali waaya, Kelya Xanuunka, Dhabar xanuunka, Neefta, Qarasta, Araga daciifa, Jabtada iyo Laleemada”.
Mar aan ka codsanay inuu sharaxaad naga siiyo sida loo soo qabto Dhurwaaga maadaama, uu ka mid yahay xayawaanada Duurjoogta ah wuxuu yiri, “Marka la soo ugaarsanayo waxaa duurka lagu aadayaa, 4 – 6-rag ah, waxaana la raadinayaa Dhurwaaga, marka la arko xabbad baa lagu dhufanayaa, si loo dhaawaco, markaas kaddib daab ama biro ayaa loola tagayaa, markuu isku dayo inuu dagaalamo oo uu isdifaaco, baa ilkaha laga budeynayaa, sababtoo ah waxaa laga baqayaa inuu wax qaniino inta la xirxirayo, isagoo ilkaha ebar ka ah, baa inta la xiro oo laba qofood ay madaxa qabtaan, afarta lugoodna laga xiro, ayaa waxaa la soo saaraa Gaari-Dameer, waxaana la keenaa Kawaanka, BISMILLAAHI ALLAAHU AKBAR baa la dhahayaa, halkaa baa lagu qalayaa, oo inta la kawaamo, haraga looga dhigayaa!”. Inkastoo culimadu ay sheegtay in habkaasi aanu xalaal ku noqon Karin hilibka Dhurwaaga, waxeyna ku taliyeen in gebi ahaanba laga fogaado cunistiisa.
::MUQDISHO & DHURWAAGA::
Ma dhabaa in Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka Jinniga qaba Guji
Wuxuu kaloo sheegay Cabdi Xasan Xirsi in marka la keeno Kawaanka uu qofba inta ay tabartiisa tahay uu gato, isagoo intaa ku daray in lakala iibsado Jeeniga Waraabaha 500,000 Sh.so. (Shan boqol oo kun) cadkiisa ugu yarna waxaa la kala siistaa 40-kun Sh.So, wuxuuna sheegay in dad badan ay ku caafimaadeen maraqiisa markii ay cabeen, inkastoo aan la hubin, “Nin saddex dumar ah qabay, oo ka fariistay, Dhurwaaga maraqiisa markuu cabay, ninbuu noqday” ayuu yiri Cabdi Xasan isagoo sheegay in dadka Dabeysha qaba, marka haraga Waraabaha loo jaxaaso oo lugta loogu xiro ay ku fiicnaadaan, sidoo kale “Qofkii ay qaras ka bixi weyso isaga ayuu gataa, wuuna ku boqsadaa, marka uu maalmo maraqiisa cabo” ayuu yiri Cabdi.
Mar aan weydiiney Cabdi sida ay ku ogaadeen in Waraabaha hilibkiisa iyo maraqiisa la isku daweeyo wuxuu yiri, “Waraabaha inuu daawo yahay anagu kama war hayn, Boosaaso ayey nooga timid oo laga ogaaday” wuxuuna intaasi ku daray in ugu badnaana 7-casho hadduu qofku joogteeyo cunistiisa iyo cabidda maraqiisa uu ku bogsoonayo cudur kastaba ha hayee, “Waa la karinayaa, maraqiisa ayaa la cabbayaa, mar hadduu qofku shubmana caafimaad buu helayaa, 7-maalmood baana ugu badan inta la isticmaalayo” ayuu yiri Cabdi.
Wuxuuna tilmaamay in rag jaad cuna oo qabsimadu xirmeen, qaarkoodna ay kaadidu ka imaan weysay, markii ay cabeen maraqa waraabaha iney u furmeen, waxaase sidoo kale arrintani ka digaya dadka ku takhasusay arrimaha deegaanka ayaa sheegay haddii Waraabaha la dabarjaro ay imaan karto inuu nabaad guuro, oo ay soo baxaan xayawaanaad kale oo Waraabaha dadka ka hortaagnaa ayna dhici karto iney khatar keenaan.
W/Q: C/raxmaan Shariif MaxÂ’ed {Taysiir}
Email: taysiir55@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com Sept 8, 2006
Man Eats Hyena(the Meat&Soup) ..VS....Hyena Eats Man !!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 62 Replies
- 3997 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 2 Replies
- 530 Views
-
Last post by Moguul21
-
- 14 Replies
- 1289 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 7 Replies
- 914 Views
-
Last post by Qaarxiye
-
- 6 Replies
- 763 Views
-
Last post by TZ Somali
-
- 14 Replies
- 1935 Views
-
Last post by TATI
-
- 9 Replies
- 1053 Views
-
Last post by biko
-
- 18 Replies
- 1514 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 40 Replies
- 2091 Views
-
Last post by FATAL_HUSTLER
-
- 4 Replies
- 623 Views
-
Last post by Strategic