MAXKAMADAHA ISLAAMIGA ARE WILLING TO GO TO BAYDHABA
Posted: Mon Oct 02, 2006 9:03 am
Maxkamadaha Islaamiga ah oo isku diyaarinaya inay tagaan magaalada Baydhaba
Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mida Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa sheegay inuu dhowaan tegayo magaalada Baydhaba oo uu asal ahaan ka soo jeedo, isagoo tilmaamay in dadka ku dhaqan gobolada Bay iyo Bakool inay u baahan yihiin isla markaana ay soo dhoweynayaan Maxkamadaha Islaamiga ah.
Waxa uu sheegay inay wadahadalo u socdaan xubnaha dowladda Federaalka u matalaya beelaha Digil iyo Mirifle, Waxgaradka iyo CulumaaÂ’udiinka gobolada Bay iyo Bakool, si buu yiri ay ugu diyaar garoobaan soo dhoweynta Maxaakiimta Islaamiga ah ee gobolka.
“Wadahadalo ayaa noo socda mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle, hase yeeshee waxaa magaalada Baydhaba qas ka wada Itoobiyaan” ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay inaanay Maxkamadaha Islaamiga ah duullaan ku ahayn magaalada Baydhaba.
Waa markii ugu horeysay oo xubin ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah uu si cad shaaciyo ay Maxkamadaha Islaamiga ah ku sii jeedaan gobolada Bay iyo Bakool oo fariisin u ah Xukuumada Federaalka Soomaaliya, iyadoo hadalka masÂ’uulkani ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo magaaladaasi ay soo food saartay xaalad nabadgelyo xumo, hase yeeshee lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan masÂ’uuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle dalabka uga yimid Maxkamadaha Islaamiga ah, taasoo masÂ’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka u arkaan is ballaarinta Maxkamaduhu ka wadaan K/Soomaaliya mid jebineysa wadahadaladii u bilowday labada dhinac.