Dagaal khasaaro badan oo ka socda duleedka Baydhabo ayadoo dayuuradaha quamaatiga u kaca [helicopters] lagu daadguraynayo dhaawaca dawlada iyo Itoobiyaanka
December 21, 2006 at 11:45 am | In | 16 Comments
Dagaallo khasaaro badan gaystay ayaa weli waxay ka socdaan duleedka Baydhabo ayadoo ciidamada dawlada oo ay taageerayaan Itoobiyaanka iyo ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ay hataan si aan kala goÂ’ lahayn ugu dagaalamayaan bariga magaalada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka u dhaxeeya Baydhabo iyo Moodamoode. Magaalada Baydhabo daafaheeda Bari waxaa si wayn looga maqlayaa guuxa madaafiicda culus oo ay labada ciidan isku garaacayaan. Waxaa la arkayaa dayuuradaha quamaatiga u kaca [helicopters] ee ay leeyihiin ciidamada Itoobiyaanka oo dhaawacyo ka soo daadguraynaya jiida hore ee dagaalka oo ku degaya dhawr goobood oo uu ka mid yahay garoonka dayuuradaha ee Baydhabo. Degmada Buurhakaba waxaa lagu dawaynayaa oo loo qaadayaa dhaawacyada ciidamada Maxaakiimta Islaamiga . Dhinaca Iidaale ee xigta Diinsoor waxaa sidoo kale ka socda dagaal qaraar. Dagaalkan dib u bilowday oo socda maalintii labaad ayaa waxaa uu u muuqdaa mid aan waxba la isula harin.
http://baidoa.wordpress.com/
------------------------------------------------------------------------------------
Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Ethiopian-ka oo maanta dhaawac ka daadgureeyay Baydhabo.
Published: 21 December, 2006 12:33
Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Ethiopian-ka ayaa lagusoo waramayaa in ay dhaawacyo ka daadgureynayaan garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo,kuwaasi oo kuso dhaawacmay dagaalada ka soconaya deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bay.
Goob joogayaal ku sugan ayaa sheegay in ay arkeen ciidamada Ethiopian-ka oo dhaawac ah isla markaana laga qaadayo garoonka magaalada Baydhabo,waxaana ay intaasi ku dareen in Ciidamada Ethiopian-ka ee la qaadayo ay yihiin kuwo dhaawacooda uu yahay mid aad u daran.
Dadka reer Baydhabo ayaa ka walaacay diyaaradahasi oo u maleeyay in ay duqeyn xagga cirka ah fuliyaan,hayeeshee waxaa ay ka warheleen in diyaaradahaasi ay yihiin kuwo dhaawac daad gureynaya balse aysan aheyn kuwo dagaal.
Arrimahaasi ayaa kusoo beegmaya Xilli Saraakiil uu kamid yahay Ibraahim Shukri oo Muqdisho maanta shir jaraa'id ku qabtay ay sheegteen in 70 ciidamo Ethiopian ah ay ku dileen dagaal ka dhacay Idaale,waxaana uu intaasi uu ku darayaa wararka ay sheegeen in raga ay laayeen uu ku jiro sarkaalkii hogaaminayay Ciidamada Ethiopian-ka.
Jibriil Nuur Alghamidi
Wakiilka MaraCadey - Mogadishu
TAKE THEM HOME DEAD IN HELICOPTERS,MELES
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
An Ethiopian helicopter seen flying as Fighting continues in Somalia
Aweys Osman Yusuf
Mogadishu 21, Dec.06 ( Sh.M.Network) – A Fierce fighting has restarted at 9:00 local time this morning around Idaale and Daynunay near the government base of Baidoa where Islamic Courts Union fighters and the government forces exchanged missiles, artillery fire and mortar shells.
Residents in the fighting areas reportedly fled to Baidoa and villages closer for safety.
Witnesses in Baidoa told Shabelle they saw an Ethiopian helicopter flying over Baidoa and the surrounding areas.
Both Islamic Courts and the government officials could not be reached for comments over the fresh fighting.
The situation in Danunay and Idaale was calm early this morning after both groups were firing missiles at each otherÂ’s military barracks late last night.
Number of casualties from both sides is unapparent yet.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 40 Replies
- 7638 Views
-
Last post by salool
-
- 2 Replies
- 423 Views
-
Last post by biko
-
- 77 Replies
- 10084 Views
-
Last post by MidriGeez
-
- 5 Replies
- 706 Views
-
Last post by MidriGeez
-
- 132 Replies
- 9995 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 18 Replies
- 1197 Views
-
Last post by Basra-
-
- 2 Replies
- 465 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 389 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 0 Replies
- 616 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 0 Replies
- 370 Views
-
Last post by Daanyeer