Dahir Aweys & Indocaade Flee Somalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Dahir Aweys & Indocaade Flee Somalia

Post by AbdiWahab252 »

Xubno ka tirsan wefdigii Sh. Shariif oo Muqdisho soo gaaray iyo Sheekh Xasan Daahir oo diyaarad qaas ahi ka qaaday garoonkaasi

Iyadoo ay maalintii 4-aad si xowli ah u soconayaan dagaaladii u dhaxeeyey golaha maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed iyo kuwa dowladda KMG oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa maanta dalka ka dhoofay guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadaha islaamka Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo labo ka mid ah saraakiishii hore ee xooga dalka Soomaaliya.

Xubnaha wefdiga Sheekh Xasan Daahir oo ay wararku sheegayaan inuu sidoo kale ka mid yahay madaxa amniga ee golaha maxkamadaha Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde ayaa saaka ka ambobaxay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka qaaday diyaarad qaas ah oo Milateri, inkastoo aan la xaqiijin dalka laga lahaa diyaaradaasi, waxaana guddoomiyaha shuurada Sheekh Aweys oo ay saxaafada wa ka weydiisay bal inuu faah faahin ka siiyo ujeedada safarkiisa u sheegay in safarkiisu uu yahay mid qaas ah “Meesha aan u socdo waa meel aan ka imaan doono balse hadda ka sii hor dhici maayo” ayuu yiri Sheekh Aweys.
Intii uusan ka ambobixin garoonka ayuu Sheekha baaq u jeediyay muslimiinta caalamka gaar ahaana shaabka Soomaaliyeed isagoo ka codsaday inay iska difaacaan gardarada qaawan ee ay dalka ku hayaan ciidamada Itoobiyaanka ah, wuxuuna dhinaca kale, Sheekhu dadka Soomaaliyeed ku booriyay inay dagaalka uga qeyb qaataan dhinac kasta, gaar ahaana Jihaad, dhaqaale, hub.

Dhinaca kale, waxaa ka soo degay isla saaka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho xubno ka tirsan wefdigii Sheekh Shariif ku wehliyay safarkii ay ku tagen dalka Yemen oo uu ka mid yahay xoghayaha arrimaha dibedda golaha maxkamadaha Prof. Ibraahim Xasan Caddow, iyadoo Sheekh Shariif-na uu ku soo haray magaalada Dubai ee wadanka isu-taga Imaaraadka Carabta, waxayna xubnahani saxaafada u sheegeen inay dib ka bixin doonaan faah faahin ku saabsan safaradii Yemen iyo natiijada wadahadaladoodii.

Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia
cabdishakuur48@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”