Cadeymo muujinaaya inay jiraan Qoyska Madaxtooyda Somaliland

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Cadeymo muujinaaya inay jiraan Qoyska Madaxtooyda Somaliland

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

Cadeymo muujinaaya inay jiraan Qoyska Madaxtooyda Somaliland Inay Lunsadeen Hantida qaranka iyo Aqal Ka Iibsadeen Qaahira Oo Maanta la shaaciyey

--------------------------------------------------------------------------------



()
hadhwanaag 2007-01-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxii hore gaadiidka iyo tayactirka Madaxtooyada Somaliland Md, Abshir Xasan Xaashi ahaana wadaha gaarka ee marwada kowaad ee Somaliland Marwo Huda barkhad Aadan ayaa shirjaraaÂ’iid oo uu maanta ku qabtay Hotel ka Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Md, Abashir waxa uu shirkiisa jaraaÂ’iid ahaa xog waran uu ku aayidayo hantida la xidhiidha musuqa ee lagu eedeeyey qoyska Madaxtooyada ee uu qoray wargeyska Haatuf.

Madaxii hore Gadhiidka iyo Dayactirka Madaxtooyada Md, Abshir waxa uu shirkaasi jaraaÂ’iid ku sheegay inuu isagu goob joog u ahaa markii qeybo ka mida hantida qaranka la lunsaday, isagoo soo bandhigay waraaqo muujinayaa xisaabaha gadiidka iyo guryaha lagu eedeeyey marwada madaxtooyada.

Waxa kale oo Abashir ku sheegay shirkaasi jaraaÂ’iid in baaburka baska qoyska madaxweynuhu ka iibiyey madaxtooyada uu yahay mid jiraa oo uu isagu goob joog ka ahaa iibintiisa uuna tilmaamay inay marwada kowaad siisatay $9,000.

Mar wax laga weydiiyey Abshir guriga la sheegay inay qoyska madaxtooyadu ka iibsadeen magaalada Qaahira ee wadanka Masar inay jirto? Ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Aniga habarwadaagay ayey jaar yihiin yihiin oo I soo sheegay Axmed Cumar jees oo ahaan jiray kornayl, Guriguna waxa uu ku yaala Meesha la yidhaahdo faqashtii jabtay halkan ay wax ka iibsadeen ee wabiga Niilku maro ayuu ku dul yaala”

Md, Abashir oo ka hadlayey guriga uu sheegay inay qoyska madaxweyne Rayaale ka iibsadeen magaalada Qaahira ee dalka Masar qiimihiisu inta uu yahay waxa uu yidhi “
Qiimaha Gurigu $250,000 waanu jiraa gurigaasi”

Arrintan ayaa ku soo beegantay markii ay soo bandhigeen musuqmaasuqa iyo sida ay hantida umada ugu tagrifalayaan qoyska Madaxtooyada Somaliland uu wargeyska Haatuf ee madaxda Banaan xabsiga loo taxaabay Gudoomiyaha Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatirihiisa Cabdi Cali Diin iyadoo la leeyahay maxaad u qoraysaan waxa jira.

Lama ogaa in la siindeyndoono iyo in kale markay sheekadni isbedeshay oo mid ka mida wadihii u khaaska ahaa marwada kowaad ee Somaliland soo bandhigay Cadeymo muujinayaa inay jiraan lunsi ay ku cakeen Madaxweyne Rayaale iyo Marwadiisu
User avatar
Ay iisho
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1090
Joined: Thu Dec 18, 2003 7:00 pm
Location: baraako cabdoow

Post by Ay iisho »

Dude, we're not interested in your petty theft n focked up politics
we have biggest goddamn crisis in the history of Somalia and you are worried about mundul nin ka dhistey masar Rolling Eyes
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”