Qoraal ay hay'adda OCHA ee Qaramada Midoobey u qaabilsan xiriirinta samafalka Soomaaliya ay Jimcadii (Jan 5, 2006) ka soo saartay magaalada Nairobi ayey ku sheegtay sida ay Soomaaliya ugu sii kordheyso ammaandarrada, iyo sida looga cabsi qabo in ay soo laabtaan Qabqalayaashii dagaalka iyo weliba maleyshiyada aan cidna ka amar qaadan iyo Isbaarooyinki oo soo laabtay, qoraalka hay'adda waxaa ka mid ahaa:
"Inkasta oo Soomaaliya aysan dhawrkii beri ee la soo dhaafay ka jirin dagaal baahsan, haddana warbixinadu waxay sheegayaan in ay dhaceen arrimo xagga ammaanka la xiriira oo halis ah. Janaayo 2deedii magaalada Afmadow (J/Hoose) ayaa ciidamda Itoobiya waxay ku xireen qof shaqaale ah oo ka tirsan hay'ada Qaramada midoobey ee UNDSS, ilaa haddana Qaramada Midoobey waxay raadinayaan meesha uu ku dambeeyey qofkaas shaqaalaha u ahaa Qaramada Midoobey."
"Waxa kale oo jira dhacdooyin iyo falal ay ka mid yihiin hanjabaad iyo nintooxsi iyo xarig aan loo meel deyin oo ay Ciidamada Militariga Itoobiya u geysteen shaqaalaha Hay'adaha aan dawliga ahayn ee NGO. 3dii Janaayo laba duulimaad oo kuwa diyaaradaha ah oo ay lahayd UNCAS (Hal duulimaad oo xamuul ahaa, iyo mid rakaab ahaa) ayaa loo diidey in ay ku dejiyaan garoonka K50, waxaana rakaabkii khasab loogu soo celiyey Nairobi, xamuulkii oo loo sidey hay'adda gargaarka carruurta ee UNICEF waxaa loo weeciyey magaalda Jowhar. 4tii January, diyaarad ay lahayd UNCAS waxaa loo diidey in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Kismayo.
"Maleyshiyooyin hubaysan ayaa la soo sheegay in joogaan jidadka magaalada Mogadishu ku xiriiriya Shabeellada Hoose, Shabeelada Dhexe, iyo Baydhabo, jidadkaas oo ay ka dhacaan bililiqo, nintooxsi, cabsigelin, hanjabaad iyo dhac. Waxaa si khaas ah sheegay saddex dhacdo oo maleyshiyadaas iska wareegaysanaya ay fuliyeen kufsi - ay kufsaden qof dumar ah oo saarnay gaari ka tegey Muqdisho oo kusii jeedey Shabeellada Hoose meel 60km jirta, iyo qof dumar ah oo ganacsato ah oo lagu kufsaday meel u dhow degmada Afgoye meesha la yiraahdo Bushka iyo gabar lagu kufsaday tuulada Gandershe oo u dhexeysa Merka iyo Mogadishu (dhacdada u dhambaysa waxay dhacday 4tii January weerar ay ku dhinteen afar qof)."
"Waxaa lagu soo waramayaa in qabqalayaashii-dagaalka hore ay isku deyeyaan in ay ku soo laabtaan awoodda magaalooyinka Jowhar, Kismayo, iyo Mogadishu."
"Kaddib markii baaqii Ra'iisul wasaare Geeddi uu toddobaadkii hore reer Mudisho ugu yeeray in ay hubka iskood isaga dhigaan uu noqday mid aan guud ahaan dheg loo dhigin, DFKMG waxay ku dhawaaqday maanta (5 January) in ay dadweynaha reer Muqdisho berrito ku bilaabi doonto hubka dhigis, oo ay xoog hubka kaga qaadi doonto dadka diida in ay hubka iskood isaga dhiibaan. Arrintaasi waxay dhallin kartaa ammaanka oo sii xumaada."
"Magaalada Galkayo, waxaa laga soo sheegay in xaalada guud ahaan deggan tahay, inkastoo dilal aar gudasho ah laga soo sheegay Koonfurta Galkacyo, iyo in la soo sheegay in dadku ay socodkooda yaraynayaan iyagoo cabsi qaba awgeed. Madaxweynaha Puntland waxa uu ku dhawaaqay cafis iyo in la siideynayo dhammaan maxaabiista loo xirxiray arrimaha la xiriira iska hor-imaadkii. Si kastaba ha ahaatee, Waxaa muuqada, in maxaabiis aad u tiro yar laga sii daayey Boosaaso iyo in aan wax maxaabiis ah laga siideyn Galkacyo. Waxaa lagu qiyaasay in cibtaalka Galkacyo ay ku jiraan 212 oo ah dhaawac isugu jira ciidamada DFKMG iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga. Waxaa kale oo lagu soo waraamay in ay jiraan 58 qof oo dhaawac ah (oo badankoodu ah kuwii dagaalamayey) magaalada Gellinsoor kuwaas oo aan tegin cisbitaal cabsi ay qabaan awgeed in la xirxiro ama laga aar goosto."
Warbixintu waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee ku barakaacay dagaaladii ugu dambeeyey ay gaarayaan 65,000 ilaa 70,000.
Waxa kale oo warbxintu sheegtay in aad looga cabsi qabo soo laabashada qabqablayaashii dagaalka maadaama ay aad u soo bateen maleyshiyaad aan cidna ka amar qaadan ee isk awareegaysanaya, qawaaniin la'aan, iyo Isbaarooyinkii oo soo laabtay.
Warbixinta oo arrintaas ka hadleysa waxay tiri "Kooxaha Maleyshiyada ee iska wareegaya iyo Isbaarooyinka oo soo kordhaya ayaa lagu soo waraamayaa in ay sababaan dib u dhac ku keenaan isu socodka gawaarida, gaar ahaan agagaarka Muqdisho."
Warbixinta oo dheeray waxay hadalkeeda kusoo gabagabeysey in Dawladda Maraykanku ay 4tii January 2007 ballan qaaday $16 million oo ah gargaar aadaminimo oo lagu caawinayo Soomaaliya. Deeqdaas oo la sii marsiinayo hay'adaha gargaarka oo kala ah: $11.5 million ee WFP, $1.5 million ee UNICEF iyo $3.575 million ee UNHCR.
Is the return of anarchy to southern Somalia the TFG's plan for governance?
How can these men govern anything when many of their members already own isbaarooyin in Somalia?
U.N. Agency OCHA's Latest Report:Somalia Is In Danger!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5500
- Joined: Mon Apr 18, 2005 5:49 pm
- Location: EXPOSING TFG THUGS & THEIR MASTERS
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 2122 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 0 Replies
- 512 Views
-
Last post by newsbot
-
- 18 Replies
- 1821 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 13 Replies
- 860 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 9 Replies
- 698 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 485 Views
-
Last post by Coeus
-
- 3 Replies
- 724 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 0 Replies
- 533 Views
-
Last post by Navy9
-
- 0 Replies
- 231 Views
-
Last post by newsbot
-
- 0 Replies
- 346 Views
-
Last post by 26June1960