Taariikh Nololeedka Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha Golaha Fulinta Midowga Maxaakimta Shareecada Islaamka Soomaaliyeed
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Wuxuu ku dhashay Tuulo ku Xeeraan Deegaanka mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Taariikhdu Marki ay aheyd 25/07/1964.
Shiikhu Wuxuu ka dhashay Qoys diinta ku wanaagsan wuxuuna ku Biiray Dugsiga Hoose/dhexe ee Jowhar Wuxuuna shiiku Dugsigiisa sare ku Qaatay Madarasada (Al suufi ) ee Wax looga baranayay Luqada Carabiyada. ee Hoos timaada Jaamacada Azhar.
Marki uu dhameystay Dugsiga sare ayuu Shiikh Shiikh Shariif Shiikh Axmed u Baqoolay Dalka Suudaan Wuxuuna ku Biiray Jaamacada Kardufaan ee Magaalada Dalnaj, Wuxuuna wax ka baranayay Mudo 2 Sano ah, Kadib ayuu Shiikh Shariif ka tagay Dalka suudaan isaga oo u ambabaxay Magaalada Trebuli ee Dalka Liibiya si uu u Dhameysto Wax barashadiisii Jaamacadeed.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed wuxuu ka soo baxay Jaamacada Al-maftuux ee Dalka Liibiya wuxuuna soo bartay Cilmiga Qaanuunka iyo Sharciga Sanadka markuu ahaa 1998 ki.
Intaa kadib ayaa shiikh Shariif wuxuu dib ugu soo laabtay halka uu ku Dhashay ee tuuladii ku xeereed Mahadaay si uu u booqdo Qoyskiisa, Shiikh Shariif wuxuu Magaalada Jowhar Gaaray Sanadkii 2002 Xiligaas oo ay Dowlada Cabdi qaasim Salaad Xasan Ka arimin jirtay Dalka Soomaaliya.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Wuxuu lasoo shaqeeyay Maamulki Maxamed Dheere ee sida aadka ah u Taageersanaa Hogaamiyayaashii abaabulay Ururkii Soo Celinta nabada iyo La dagaalanka Argagixisada.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Wuxuu Magaalada Jowhar ka Noqday Gudoomiyha Maxakamada Maamulki uu Madaxda u ahaa Maxamed Dheere isagoo sidoo kale kamid ahaa Duqeyda Gobolka shabeelaha Dhexe.
Sikastaba Ha,ahaatee Shiikh Shariif Shiikh Axmed wuxuu Magaalada Jowhar kasoo tagay kadib Khilaafyo Dhowr ah oo soo kala dhex galay Maxamed dheere oo ahaa Gudoomiyihii isaga Madaxda uga dhigay Maxkamada Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sababihi ku kalifay Shiikha in uu aasaaso Maxkamad.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed wuxuu kamid ahaa barayaashii Dugsigii Hoose/Dhexe/Sare ee Juba ee Magaalada Muqdisho waxaana Dugsigaas Laga Afduubtay Arday kamid ah Ardaydii wax ka baraneysay Iskuulka.
Burcad Hubeysan Xiriirna laleheyd Hogaamiyayaashi ku bahoobay Argagixiso la dirirka ayaa Afduub u geystay mid kamid ah Ardaydii wax ka baraneysay iskuulka juba ee uu baraha ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed Wexey Afduubayaashii reerka Canuga weydiisteen Lacag Madax furasho ah oo aad u badan kadib ayuu Shiikh Shariif Shiikh Axmed abaabul u galay sidii uu ku aasaasi lahaa Maxkamad Islaami ah si looga maara helo Burcadii sida aadka uga kacsaneed Magaalada Muqdisho.
Shiikh Shariif Shiikh wuxuu xiriiro dhowr ah la sameeyay Maxkamadaha Madaniga ah ee ay samesteen dadka Degmooyinka Magaalada wuxuuna isku dayay in uu Maxaakimtaas mideeyo.
Waqti kadib ayey suura gal u noqotay in ay maxaakimta xiriir wanaagsan yeeshaan oo ay iska kaashadaan sidii ay u hujuumi lahaayeen Burcada Afduubyada ka geysaneysa Magaalada Muqdisho.
Kulamo dhowr ah oo ay Madaxda Maxaakimtu isugu yimaadaan kadib ayaa waxaa lagu sameeyay Midowga Maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed waxaana Maalin maalmaha kamid ah kulmay ragaii madaxda u ahaa maxaakimta wexey isku raaceen in Gudoomiyaha Midowga Maxaakimta laga dhigo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo xiligaas goobta ka maqnaa.
Midowga Maxaakimta Islaamka ee uu Gudoomiyaha u yahay shiikh shariif Shiikh Axmed wuxuu si rasmi ah u midoobey xiligii ay Hogaamiyayaasha Muqdisho dhiseen Ururkii Soo celinta Nabada iyo la dagaalanka Argagixisada ee mudadii koobneed ay uga itaalka roonaadeen Midowga Maxaakimta Islaamka.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed waa nin daacad ah aadna ugu dheer Diinta Islaamka, waxaana la dhihi karaa waa nin baal dahab ka galay Taariikh Soomaaliya maadaama uu mudo kooban ku islaaxiyay meelihii ugu amaanka darnaa dalka Soomaaliya.
Shiikh Shariif Wuxuu kasoo Jeedaa Qabaa,ilada Hawiyaha Gaar ahaan Qabiilka Abgaal ee Daga Gobolka Shabeelaha dhexe Waana 42 jir uu ilaah ku maneystay Aqoonta Diinta Islaamka.
http://somalifm.com/Ciid%20Mubarak/Shii ... loleed.htm
Taariikh Nololeedka Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Enemy_Of_Mad_Mullah
- SomaliNet Super
- Posts: 20796
- Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
- Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 702 Views
-
Last post by bashe19
-
- 0 Replies
- 521 Views
-
Last post by foolxume2005
-
- 24 Replies
- 106 Views
-
Last post by muslim-man
-
- 27 Replies
- 2607 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 5 Replies
- 1457 Views
-
Last post by jannoman
-
- 8 Replies
- 2031 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 0 Replies
- 369 Views
-
Last post by Addoow
-
- 7 Replies
- 1132 Views
-
Last post by SiennaEarth
-
- 7 Replies
- 584 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 3 Replies
- 486 Views
-
Last post by The_Patriot