New Somali Youth League: Terrorizing TFG & Habash

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

New Somali Youth League: Terrorizing TFG & Habash

Post by AbdiWahab252 »

The New Somali Youth League has claimed responsibility for the attacks against the TFG and Ethiopian invaders:


Weerar bam gareeyn ah oo lagu qaaday xero ay deganaayeen Ciidamo reer Puntland ah.

Muqdisho ,Salaasa,January 09, 2007 Waaga Cusub


8:00 fiidnimo ee caawa ayaa weerar bam gareeyn ah lala beegsaday Xeradda Hargaha iyo Saamaha ee ku taal inta u dhaxeeysa KM4 iyo Km5 halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo reer Puntland ah oo fariisin ka dhigtay.

mar qura ayuu dhulka gariiray ,waxaana ruxmay Hotelka Saxafi International oo aan ku sugnaa,iyadoo gurxanka rasaasta is qabsatay.

Inkastoo ay igu adkaatay inaan xog buuxda ka helo dhimasho iyo dhaawac waxa soo gaaray Ciidamadda Puntland ee ku jiray Hargaha iyo saamaha ,hadana waxaan maqlayay gurxanka ugu yaraan 16 xabad baasuuke oo ku wajahneed Xeradaas ,waloow Ciidamadda Puntland qudhoodda ay tuurayeen rasaasta madaafiicda goobta iyo kuwa boobayaasha culus.

rasaasta ay labada dhinac is waydaarsanayeen oo ku socotay joog hoose ayaa la aaminsan yahay inay khasaarooyin xoogan geeysatay hasse yeeshee markii jabaqda istaagtay ayaan ku lugeeyay jidka hor mara Xarunta C.I.D da wayn ilaa aan ka gaaro gurigga Xildhibaan Xaaf oo dabaq ku dhow uu ku ag habsaday madfac aad u wayn oo la hubo in laga tuuray kaare ,marka la eego muuqaalkiisa oo lagu qiyaasi karay qof 6 jir ilaa 7 jir u dhaxeeya,balse nasiib wanaag madfaca intaa la eg khasaaro badan ma geeysan marka laga reebo laba qof oo aan dhawaacoodda la kulmay.

markii aan ka gudbay goobta uu madfacaas ku dhacay waxaa ii bilaabatay maqalka dad barooranayo ,iyadoo luuqyadda qaarna la iiga horkeenayay dhaawacyo garbaha la hayo.

korontadda oo go-need aawgeed dadku isma arki karin laakiin markii aan u tilaabay dhinaca jidka tarabuunka waxaa xageena u soo dhaceeysay rasaas xoogan oo nagu qasabtay inaan u soo laabano dhinacii aan ka tagnay markii hore ee KM4.

soo laabashadeeyda ciidamadda puntland way ka duwanayeen sidii hore waxayna tuurayeen rasaas micno daro ah oo aan lahayn jaho taas oo aan ka istaagnay.

Si kastaba ha ahaatee weeraradda ayaa la sheegay inay geeysteen dhalinyaro la magacbaxday New SYL kuwaas oo xeradaas ku tuhmayay inay ku jireen Ciidamo Itoobiyaana.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee la weeraro Wakaaladda hargaha iyo saamaha,waxaana habeenkii la soo dhaafay lala beegsaday dhoowr xabad baasuuke oo inta badan lala hareer maray.
User avatar
biko
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9077
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: just right the corner.

Post by biko »

Somali Youth League

i wonder how long will it take before they are labeled terorist?

but am sure the TFG stooges will be the first.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”