Page 1 of 1

Somali parliament speaker Sherif Hasan got Fired

Posted: Wed Jan 17, 2007 6:37 am
by Bazuuka
Mr flip floper is History


183 xubnood oo u codeeyey in xilka laga qaado guddoomiyaha baarlamaanka


Kulan la wada sugayey oo maanta ay Baydhabo ku yeesheen xildhibaano gaaraya 193 xildhibaan, ayaa la hor geeyey shir guddoonka baarlamaanka mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo socdaal ku maraya dalal ka tirsan Yurub, waxaana warbixin halkaasi laga jeediyey lagu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu jebiyey qodobo ka tirsan xeer hoosaadka baarlamaanka, waxaana markaa kadib cod la geliyey xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaha baarlamaanka.


183 xildhibaan ayaan u codeeyey in xilka laga xayuubiyo guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana uu shir guddoonku sheegay in uu sidaa ansax ku noqday xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo ay jireen xildhibaano gaaraya 10 kuwaasoo ka hor yimid xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana xildhibaanadaasi ka mid ahaa xildhibaan Max'ed Ibraahim Xaabsade oo ah wasiirka gaadiidka cirka & dhulka, wuxuuna sheegay Xaabsade in Soomaalidu u fududahay wax duminta, balse ay ku adag tahay in wixii la dumiyo sahal lagu dhiso. Laughing Laughing

Posted: Wed Jan 17, 2007 8:21 am
by AbdiWahab252
Great:

Now we will have a new Rebel Group.