Meles Zenawi ayaa hore u sheegay in muddo labo todobaad gudahood uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, kadib markii ay Ciidamadiisa ku guuleysteen in ay wiiqaan Awoodii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya ku lahaayeen K/Soomaaliya.
Sida qortay Wakaalada Wararka Ethiopia ENA ayaa waxa ay sheegtay in Ciidamada Dowladda Ethiopia ay bilaabeen in ay isaga baxaan gudaha Soomaaliya.
Warar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ethipianka ee jooga qeybo ka mid ah Soomaaliya ay ka baxeen, waxaana la tilmaamay goobaha ay isla shalayba ay isaga huleeleen Deegaanada Cadaado, Dhuusa Mareeb, Beled Weyn, iyadoo aan illaa iyo iminka aan la sheegi Karin sababahay ay uga baxeen halkaas.
Dagaal socday muddo Todobaad ayay Ciidamada Dowladda Ethiopia oo ay gacan siinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wiiqeen Awoodii ballaarneyd ee ay Maxkamaduhu ku lahaayeen K/Soomaaliya.
_____________________________________________________
Tigre's will not deceive us, untill Banadir is liberated Tigre's shall not find any rest in Somalia.
Somalia=Mogadishu and vice versa, Withdraw Tigre troops from the capital or you will not find peace in the coming century
Mogadishu people should continue the efforts to oust the Tigre's and their puppets from Banadir
